Taageero Shirweynaha Beelweynta Ismaciil Sheekh Isaxaq ( Garxajis) Ee Ka Dhici Doona Hargeysa 13.08.2016

war lagu farxaa ka yimid maxamedow beeshi weyneede waayeel, waxgarad

Marka hore salaan walaatinimo dhammaan reer somaliland yar iyo weynba meel kastoo ay joogaan ..mar labaadka waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan beelweynta garxajis rag iyo dumarba gudo iyo debedba meel kastoo ay joogaan gaar ahaan indheer garadka , cuqaasha , salaadiinta iyo haween weynahaba , waxaan leeyahay mabruuk calaykum waa cusub baa idiin beryey anana waa ku faraxney haddaan qurbajooga beesha nahay..yaa Allah biltawfiq .

war lagu farxaa ka yimid maxamedow beeshi weyneede
waayeel, waxgarad iyo cuqaal baa guntaday waaxid mahaddiiye
wahabkiina naga duul iyo waji dadabkii baasaaye
wer wer iyo walaacii naga hadh weyne mahaddiiye
hargeysa weyn, togdheer , ceel afweyn ilaa ceeri wacanteena
marsadeena weyn ee berbera, sheekh ila wadada odweyne
wadnaha salaxley,banka weyn ee qoolcaday , waaxyaha awaare
ilaa wadhane daaftiisa intaasba waan hubaa maxamadow wiglo inay ciyaareene .
Allahayow wanaag noogu dhamme adaa waaxidoo jirae
waxaan kale oo aan u sheegayaya miidhiyaha in aan reerkan la odhan koonfurta hargeysa iyo galbeedka burco hala joojiyo edebdarrada dhulkaa aan soo sheegay iyo inleeg buu reerku degaa hal magac baana nala yidhaahdaa qabiil ahaan beelweynta Garxajis kii idiin soo laqimay u sheega sidaa wariyayaashow .. waxaan kale oon Allah ka baryaya inuu wanaag ,isafgarasho iyo tawfiiq waafajiyo madaxdhaqameedka shirkuna ku dhammaado guul … caws iyo biyo ku nooshii iyo reer guuraa raacii carruurta lagu sasabi jiray wey dhammaatay midnimo iyo walaalnimo ayaa insha Allah noo dhalanaysa taas oo aanu kula noolaaneyno walaalahayga kale ee reer somaliland ..

wa billahi tawfiiq
Dahir m. Jama
Saudi Arabia

Dahir Jama <dahir_jama@yahoo.com

*********************************************************************

Gabiley.Net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.Net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga