Wasiirka Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Kobcinta Ganacsiga Iyo Xirfaddaha Farsamooyinka Kala Duwan.

Hargeisa(GNN):–Wasiirka ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxa uu si rasmiya u furay daah-furka barnaamijka kobcinta ganacsiga dhexe iyo ganacsiga yar yar.

“Sharaf-bay ii tahay inaan idin kala soo qayb-galo daah-furka mashruuca kobcinta ganacsiga ee “SMEF” runtii Mashruucani waxa ka Masuul ah baanka adduunka, waxaanna fullinaysa Hay’adda la yidhaahdo BDO LLP ooBarmaamijkan waxaa Maal-galinnaayay Baanka  Adduunka, waxaana fulinaysa  Hay’adda caalamiga ah ee magaceedda loo soo gaabiyo  BDO LLP,  waxaanna khudbad dheer ka jeeddiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashigga caalamiga ah, isagoo bulshadda ku dhiiri-geliyay inay ka faa’iidaystaan Mashaariicda horumarinneed ee Xirfaddahoodda iyo Ganacsigoodda sarre loogu qaaddaayo.

 ah laba Hay’addood oo ku guulaystay inay Mashruucan fulliyaan, markaa dhinacyadda uu khuseeyo oo dhan marka la eeggo dulucdiisu waxay noqonaysaa Mashruuc loogu talo-galay in lagu kobciyo ganacsiyadda yar yar “Small and médium Enterprise facility “SMEF”.  Waa Mashruuc loogu talo-galay inay ka faa’iidaystaan Shirkaddaha yar yar ee soo korraaya ee u baahan  gacan qabasho hanna noqoto mid Aqoonneed ama ha noqoto in loo tabbabaro sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsigoodda. Dalkasta waxa laf-dhabar u ah Shirkaddaha yar yar iyo kuwa dhexe oo ah Mashiinka dhaqaajiya dhaqaalaha dalkaas. Ayuu yidhi Wasiirka ganacsiga iyo Maal-gashigu Xuseen Aadan Cigge.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Dalkeenu waxa uu u baahan yahay in sarre loo qaaddo Xirfadda aqoonta Shaqaalaha si ay u ogaaddaan waxyaabaha ku soo kordha Suuqyadda ganacsiga, isla markaanna ay u soo celiyaan Xisaab-xidh, sidaa darraaddeed waxaan rajaynayaa in bulshadda Somaliland ay ka faa’iidaysan doonnaan Mashruucan.

 

Mashruucani waxa uu taageerayaa Haweenka iyo Gabdhaha yar yar oo uu fursad u siinnaayo inay abuuri karaan ganacsi yar yar oo noloshaddooda wax wayn ka tari doonna, xagga farsamadda ha noqoto Beeraha, Baabuurta, Kalluumaysiga iyo waxyaabaha la mid ah waxa uu barnaamijkani siinnayaa taageero dadka ku jira qaybahaas. Barnaamijkani waxa uu soconnayaa Sanad iyo siddeed bilood, dabaddeedna waa la qiimaynayaa, waxaanna qaabka uu barnaamijkani u shaqaynaayo sharaxaad innaga siin-doonna Mr George Waigi oo ah Madaxa xafiiska  SMEF. Waxaan jecelahay inaan mar kale bulshaddayda ku dhiiri-geliinnayaa inay Mashruucaas ka faa’iidaystaan oo runtii wax badan ka tarri doonna dhaqaalaha dalkeenna.

 

 

Mr George Waigi, SMEF team leader 

Dhinaca xirfadda farsamaddu dalkeenna way ku liidataa, wadankunna haddaanu  dad Farsamayaqaanno  ama Shirkaddo diyaariya oo ka qayb-qaata Koboca dhaqaalaha ee dalkeenna, sidaa awgeed waxaan maanta halka ka furayaa Mashruuca kobcinta dhaqaalaha ee loo yaqaano  “Small and médium Enterprise facility “SMEF” waxaan rajaynayaa in ciddii ku guulaysata Mashruucan inay hesho tababarkaas oo ay ganacsigoodda iyo Xirfaddoodaba uu sarre u qaadi doonno, waxaan rajaynayaa inuu Mashruucani uu noqdo mid dalkeenna wax u tarra, sidaa darraaddeed waxaan halkan uga mahad-naqayaa Aqoonyahanka, Ganacsatada, Jaamacaddaha, ururrada bulshadda, Hay’addaha caalamiga ah, Hay’addaha dawladda  iyo dhammaan inta ka soo qayb-gashay daah-furka Mashruucan kobcinta dhaqaalaha.” Ayuu yidhi Wasiirka ganacsiga iyo Maal-gashigu Xuseen Aadan Cigge.