Waftigii Madaxwayne Siilaanyo Oo Xalay U Hoy’day Magaalada Laascaanood Iyo Amaanka Magaalada Oo Aad Loo Adkeeyey

Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa xalay gaadhay magaalada laascanood ee xarunta gobolka sool.

Waxaana waftiga madaxwaynaha ay shalay ka qayb galeen madal shir ahayd oo kulmisay waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, isi-mada dhaqanka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan oo ka soo kicitimay sadexda gobol ee Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo, kaasoo lagu gorfeeyey sidii Shacbiga goboladaas iyo xukuumada Somaliland ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen masiirka ummadda walaalaha ah ee reer Somaliland, meelna isula dhigi lahaayeen, una midoobi lahaayeen, si ay u meel mariyaan himiladooda iyo wada jirkooda dal ahaan iyo dad ahaanba.

Waxaana intaasi kadib uu xalay madaxwaynuhu u hoy’day magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool,taasi oo ay hore usii joogeen masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada Somaliland.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in wadooyinka magaalada laascaanood lasoo dhoobay ciidamo tiro badan oo iskugu jira militeri iyo boolis,kuwasi oo ad u adkeeyey amaanka magaalada isla markaana baadhayay gadiidka maraya wadooyinka,wallow ay wararka qaarna sheegayaan in ay ciidamadu hakad galiyeen xalay isu socodkii gadiidka.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa al filayaa inuu kulamo la yeesho isimadda,waxgaradka iyo odayaasha magaalada gobolka sool, sidoo kalena uu hirgaliyo mashaariico kala duwan.

Log11