WAJAALE MAGAALO LA HAGRADAY,YAASE LEH EEDDA DIBUDHACA MAGAALADA.

Magaalada Tog-wajaale waa soohdinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliland, waa magaalo ganacsi oo si xawli ah looga shaqaysto, waa il dhaqaale oo cashuur badani ka soo xarooto, waxa ay leedahay dhul beereed ku habboon dalagga noocyadiisa kala duwan, waxa ay ku magacaaban tahay degmo, ha se ahaatee ma hesho adeegyadii ay xaqa u lahayd, isma laha koboca dhaqaale iyo bulsheed ee ay magaaladu samaynayso iyo kaabayashii muhiimka ahaa sida ay uga arradan tahay.

Wajaale ma ahayn magaaladii maanta qofkii yimaaddaaba ka nixi lahaa, waxay se ahayd in ay noqoto muraayad lagu hirto, oo magaalooyinka kale ku daydaan, marka la eego waxa yaabaha ay la gaar
tahay ee aan magaalooyinka kale calfan, hase ahaatee faro madhan baa ay joogtaa, Magaaladaas dhani ma hesho biyo, weli balliyada iyo berkadaha ku hareeraysan ayey ka cabtaa, waxbarashadu ka daran oo marka laga reebo labada dugsi (hoose dhexe iyo sare) ee dawladda ee tayo xumada iyo taageero la’aanta la ciirciiraya, iyo malcaamdaha maqsinnada cidhiidhiga ah ku jira ee Qur’aanka lagu barto, malaha waxbarsho la isku hallayn karo oo ku filan. Cafimaadka isaga hadalkiisaba daa! M C H ka cidlada ah iyo Cisbitaalka kooban ee aan dhismihiisa waxba uga hooseyn ayaa miciin u ah,  waxa ka daran waddooyinka magaalada dhex mara oo meelaha qaar aad boholo mooddo, marka roobku ku da’ana aan  baabuurtu ha joogtee dadku lugahooda ugu mari karayn, kaba sii darane fayodhowr la’aanta iyo xashiishka meel walba filiqsan ee aan la basrinayn baa wax walba kaga daran.YAA ISKA LEH EEDDA DIBUDHACA MAGAALADADib u dhaca baahsan ee magaalada ka jira  eeddiisu waa mid la wada leeyahay shacab iyo maamulba, bulshada deggan magaalada iyo ganacsata ka shaqaystaaba waxa ay ka gaabiyeen waajibkii ka saarnaa horumarinta magaalada, qof waliba dantiisa gaarka ah ayuu iskaga foofay oo cidina is kama xilsaarin wax u qabashada magaalada. Maamulka magaalada habacsanaan badan baa ku jirta, cidna waxba iskagama tiriyo, magaalada waxba uma qabto, wuxu tahli waayey in uu xashiishka ka basriyo, wax kale haba joogaane. Dawladda dhexe iyada waxa uun la arkaa xilliyada doorashada oo ay bulshada ku harqiyaan  ballanqaad afka baarkiisa iyo beerlaxawsi qiiro ku dhisan.Maxaa la gudboon reer Wajaale.Marka la isla qiro in uu jiro dib u dhac baahsan oo degmada ragaadiyey, waan in loo guntadaa sidii loo hagaajin lahaa waxa hallaysan, ee magaaladu u heli lahayd biyo ku filan, tacliin tayo leh, Caafimaad, Waddooyin,nadaafad iyo bilic. Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaane, qof wal oo reer Wajaale ahi waa in uu magaaladiisa  horumarkeeda u guntadaa, gaar ahaan dhallinyarada waxbartay meel ay joogaanba, waa in maamulka magaalada lagu sandulleeyaa in uu magaalada u shaqeeyo ee aanu tamashle ku dhammaysan waqtigiisa, oo lala xisaabtamaa, magaaladu dakhliga ay soo saartana lagu celiyaa oo ay dheefsataa. Reer Wajaaloow idinkaa magaaladiinna hagraday ee ha loo guntado sidii loo hagaajin lahaa.
Fiiro gaar ah :  Haddii Eebbe idmo qoraalladni taxane ayey ahaanayaan waxaanay marba dhan ka iftiimin doonaan dantaguud.

W/qoray :  Cabdikariin  Xuseen

Email   : Ckriin1989@gmail.com