WAR DEG DAG AH: Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacayo Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Qarax labaad ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sida dadka ay inoo sheegeen lagu weeraray Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo oo ku taalo Suuqa Xero Dayax ee Magaaladaasi.

Qaraxa labaad oo gaari miineysan loo adeegsaday ayaa lala eegtay xilli dadka ay ku soo yaaceen Qaraxii hore oo ka dhacay Suuqa Xero Dayax gudihiisa, waxaana halkaasi Khasaare ka soo gaaray dad badan.

Ma Cadda inta uu la eeg yahay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada, balse dad badan oo ayaa la arkay meydadkooda.

Dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inay yihiin haween ka dukaameysanaayay Suuqa Xero Dayax oo ah Suuqa ugu
weyn Waqooyiga Gaalkacyo.

Xarunta Dowladda hoose ee Gaalkacyo oo qaraxa labaad lala beegsaday ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka furmi rabay Shirka Golaha deegaanka Dowladda hoose.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland weli kama hadlin qaraxyadaan.

Sources: Somali Umiversaltv.