War Deg Dega:Madaxweynaha Somaliland Hada Soo Gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta Gobalka Togdheer.

Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Ka Soo Anba Baxay Magaalada Hargeisa Ayaa Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Burco,Safarka Madaxweynaha Somaliland Oo Ay Ku Whelinayaan Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ka Kala Socda Laamaha Dawlada Ayaa Safarkoodu Ku Aadan Yahay Gobolka Sool
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Markii Uu Soo Gaadhay Magaalada Waxaa Ku Qaabilay Shacabka Gobolka Masuuliyiinta Gobolka Iyo Kuwa Degmada,Madaxweyanaha Somaliland Waxaana Safarka Madaxweynaha Ka Warbixiyay Isla Markaana Warbaahinta La Hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo Iyo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Magaalada Burco C/Raxmaan Muraad Waxaanay Sheegeen In  Safarka Madaxweyanaha ISomaliland Ay U Jeedadiisu Tahay Sidii Uga War Heli Lahaa Xaalada Guud Ee Gobolada Bariga Somaliland Si Uu Uga War Hayo Dunuufta Iyo Waayaha Ka Jira Goboladaas
Si Kastaba Ha Ahaate Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftida Uu Hogaaminaayo Ayaa Socdaal Ku Dhaafay Magaalada Burco Iyaga Oo La Sheegay Inay Kusii Nasanayaan Magaalada Caynaba
Warkaasoo Faah Faahsan Kala Soco Goor Dhow Shabakada
Gabiley.Net