Wasiirka Warfaafinta Oo Waji-gabax Iyo Guuldarro Siyaasaddeed Kala Kulmay Kulan Uu La Qaatay Beeshiisa

Burco(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cismaan Caddaani), oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa markii ugu horaysay Waji-gabax iyo guuldarro siyaasaddeed la kulmay, kadib markii uu kulan balaadhan la yeeshay qaar ka mida Cuqaasha, Waxgaradka iyo Odayaasha beeshiisa, oo uu u soo bandhigay aragti siyaasaddeed oo salka ku haysa taageeradda Xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE, balse Waxgaradkii beeshiisa ee madashaas fadhiyay ayaa ku gacan saydhay arrinta uu la soo hor-fadhiistay Wasiir Caddaani, waxaannay u sheegeen inaanay suurto-gal ahayn wakhtigan inay ka dhagaystaan arrimmo siyaasaddeed oo khuseeya Xisbiga iyo Xukuumadda uu Wasiirka ka yahay Mr. Caddaani.
Xubnihii iskugu jirey Cuqaasha,
Waxgaradka iyo dhalinyaradda ee beeshiisu waxa ay uga dhaarteen Wasiir Caddaani oo ay u qaddimeen inaanay beeshu diyaar u ahayn xilligan Weedho aan macno badan xambaarsanayn oo Wasiirka Warfaafintu ku buun-buuniyo Xisbi iyo Xukuumad ay beeshu uga xogogaalsan tahay, iyaddoo uu Wasiir Caddaani ka gubtay Weedhihii kulullaa ee ka soo yeedhaayay beesha uu ka soo jeeddo, isla markaanna waxa uu Wasiir Caddaani miciinsadday Aflagaaddo aannu u miiddaan dayin oo uu kula ciirray Odayaashii madasha fadhiyay qaarkood.
Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo xogogaal ahi oo si dhaw ula socday kulankaasi, waxa ay daboolka ka qaaddeen in Wasiirka Warfaafintu Mr. Caddaani uu beeshiisa u soo bandhigay taageerada Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE, hase-yeeshee Oday ka mid ahaa Odayaashii Madasha fadhiyay uu Wasiir Caddaani ku ganay hadal aannu filayn oo sidii falaadha isku taagtay, taasoo u dhignayd sidan

“Wasiir in badan ayaannu kula Shaqaynay, waxaannu kuu haysannay Nin bulshadda iyo Dadkaba waxtar u soo kordhinnaaya, balse waxaad noqotay Nin guul-waddayn iyo wax aan la garanayn u soo haajirriyay dalka. Beeshana hore uma soo marin Wasiir noocaaggaas oo kale ah, waxaannad noqotay Wasiirkii ugu liitay ee soo mara beesha, waxaanu kuu soo jeeddinaynaa inaad is-casisho, mar haddii ay beeshii kaa dhaqaaqday oo weliba isku raacday go’aankaas”

Ka dib markii ay wedhahasi ka soo yedheen odaygaasi ayaa mudane wasiir cadaani odaygii kula booday aflagado iyo hadal qalafsan isla markaasna ku waashay kacaa fadhiisi kuna saxday jaadkii uu wasiirku cunayay kaasi oo wasiirka loola soo cararay biyo ka dibna waxa uu wasiirku cunay kiniin dawo si uu isaga dajiyo cadhada iyo neerfiska ku dhacay,

Goobtii uu kulanku ka socday ayaa waxa ka abuurmay qaylo iyo buuq waxaanay dadkii madasha fadhiyay taagero buuxda u muujiyeen odaygii hadalada kulul ku ganay cadaani iyaga oo ay hadalladoodii ka mid ahayeen

“Waanu ku taageersanahay hadalka odaygu ku yidhi, waxaanu ku sheegaynaa Wasiir Caddaanow maanta beesha wax kuu yaalaa ma jiraan ee taas ku Biyo-cab” Ayuu yidhi mid ka mida Odayaashii beeshiisu.

Intasi ka dib Wasiirka Warfaafinta ayaa isla markiiba goobtaasi ka urursaday xamaamadiisi, isaga oo ay afkiisa ka soo yeedhaysay hadalo Cadho iyo Af-lagaado u muuqday, waxaanna ka mida errayadda uu ku dhawaaqay “Yaa iigu yeedhay Odayaahan,maaha kuwii aan doonnayee.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi-gelintu Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).

Ugu danbayntii dhacdadani wasiir cadaani kala kulmay kulankani ayaa ahayd mid uu fadeexad iyo waji-gabax adag kala kulmay,noqotayna mid lagaga sheegayso gudaha magaalada burco,gaar ahaana goobaha ay bulshadu ku kulanto,

Gabiley.Net
Office Gabiley