Wasiiro Ka Socday Xukuumadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Magaalada Boocame Ee Gobolka Sool Loogu Sameeyey Ugaas Cabdillaahi Ciise Nuur Raabbi+Sawiro

Hargeysa(GNN)August,22,2016-Xubno wasiiro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa ka qayb galay aas qaran oo magaalada Boocame ee gobolka sool  loogu sameeyey marxuun Ugaas Cabdillaahi Ciise Nuur Raabbi oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Waxaana aaskan qaran kasoo qayb galay xubno wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha somalialand,ugaasyo,salaadiin,cuqaal waxgarad iyo waliba dad wayne tiro badan oo ka kal yimi gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Waxaana waftigan wasiirada ah ee ka qayb galay aaska ay kala ahayeen wasiirka cusub ee wasaarada  arimaha gudaha Somaliland, wasiirka dib u dajinta Somaliland,wasiiru dawlaha wasaaradda warfaafinta iyo wasiiru dawlaha wasaarada beeraha Somaliland.

Dhamaan bulshadii kla duwanaa ee goobta aaska iskugu yimi waxay alle uga baryeen marxuunka Ugaas Cabdilahi Ciise Nuur rabbi inuu alle naxariistiisa janno ka waraabiyo,Samir iyo imaana ka siiyo eheladii
iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku.

1 2 3 4 5

Log11