Wefti ka socda Dalka Turkey-ga Oo Hargeysa kulan Kula yeeshay Xukuumadda SAWIRO

Hargaysa(GNN)Wasiirka Hawlaha Guu Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Saaka Xafiiskiisa Ku Qaabilay Masuuliyiinta Ugu Sarsareysa Shirkadda Boysan Inshaat oo Fadhigeeduna Yahay Waddanka Turkey.

Shirkadda Boysan Inshaat Ayaa Ah Shirkadda Dhinaca Dhismaha Ah Waxaanay Ka Mid Tahay Saddexda Shirkadood Ee Dhinaca Dhismaha Ugu Waaweyn Dalka Turkey.

Maamulayaasha Shirkaddan Ayaa Ugu Horeyn Sheegay Inay Dalka U yimaadeen Inay Maal-galiyaan Oo Maalgalin Caalamiya Ku Sameeyaan, Kana Caawiyaan Wasaaradda Hawlaha Guud Dhinaca Wadooyinka.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxames Ayaa Ku Soo Dhaweeyey Dalka Shirkaddan Poysan iyo Maamulayaasheeda Dalka. Waxaanu Usheegay Inay Jiraan Arimo Baddan Oo Ka Shirkadd Ahaan La Rabo Inay Gacan Ka Gaystaan.

 

Kulanka Ay Maanta Wada Qaateen Madaxdda Shirkadda Poysan Inshaat iyo Wasiirka Hawlaha Guud Ayaana Mid Hordhac Ah, Waxaana Kulano Danbe Ka Qabsoomi Doonaan Somaliland iyo Turkey.

Waftigan Ka Socday Shirkaddan Dhinaca Dhismaha Ee Laga Leeyahay Waddanka Turkey Ayaa Xubnaha Ka Socday Ayaa Kala Ahaa Ahmet Sulim Telli Oo Ah Madaxa Shirkadda Boysan Inshaat, Tarik Telli Oo Ah Injineerka Guud ee Shirkadda, Mehmet Keralim COo Shirkadda Boysan Inshaat, iyo Mukhtaar Mahamed  oo Ah Uqaabilsanaha Shirkadda Inshaat Ee Africa.

Wasiirka Ayaa Isna Waxa Kulankan Ku Wehelinayey Maareeyaha Hayadda Wadooyinka Pro Hassan Ali Osman, iyo Yaasiin Ali.

Log11