Wiil Toogasho Lagu Dhaawacay Dooxa Arabsiyo iyo Gabadh La Socotay oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Gabiley (GNN) Faarax Bashiir Faarax Kaahiye ayaa xalay saacadihii danbe lagu toogtay dooxa magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, halkaasi oo dhaawiciisa ciidamada amaanku u qaadeen isaga iyo gabadh la sheegay inay la socotay magaalada Hargaysa sababta keentay iyo sida ay wax u dhaceen waxaa baadhistiisa ku jira ciimada booliiska iyo laamaha amniga ee gobolka Gabiley.

Inanka dhibanaha ah ayaa la sheegayaa inuu dhalay Allaha Ha u Naxariistee Bashiir Faarax Kaahiye oo xilal kala duduwan kasoo qabtay dawladii Soomaaliya isla markaana uu kasoo jeedo gobolka Awdal, masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo degmada Arabsiyo ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin sida ay wax u dheceen iyo sababta keentay toogashada Faarax Bashiir.

Toogashada Faarax Bashiir ayaa dhacday saacadihii danbe ee habeenkaasi halkaasi oo aanay jirin cid ku wehelisay isaga iyo gabadha la socotay taasi oo lala xidhiidhinayo inay keeni karto xidhiidhka isaga iyo gabadha ka dhexeeyay.
marxuumku halkay marayso wararka qaarna waxay sheegayaan inuu marxuumku dhintay.

Wararka kasoo kordha dhacdadan gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa.

Gabiley News Network
Arabsiyo Office.