Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Lagu Soo Daadiyay Ciidamo Tiro Badan Iyo Xildhibaanada Golaha Oo La Filayo Inay Maanta u Codeeyaan Heshiiska Dekeda Berbera

Hargeysa(GNN)August.9,2016-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo labadii casho ee u danbeeyeyba ka doodayay heshiiska dekedda berbera ee ay xukuumadda Somaliland usoo gudbisay golaha ayaa waxa la filayaa inay maanta soo gunaanadaan ka doodida heshiiska isla markaana ay goluhu ansixiyaan ama diidaan heshiiskan loosoo gudbiyay.

Waxaana xildhibaanada golaha wakiiladu ay saaka xilli hore galeen sida naloo sheegay xarunta iyada oo xaruntii golahana lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira militeri iyo boolis kuwaasi oo aad u adkeeyey amaanka golaha isla markaana baadhaya dadka galaya golaha.

Mudanayasha ayaa la filayaa inay maanta ugu danbayn ay qalinka ku duugaan inay ansixiyaan ama ay diidaan heshiiska dekeda berbera, wallow ay xukuumadda Somaliland geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ansixin lahaa heshiiska dekeda berbera ee ay lasoo gashay shirkada Dp World.

Sidoo kalena waxay wararku sheegayaan in madaxtooyada Somaliland ay xildhibaano kasoo horjeeday wareejinta dekeda berbera qaarkood ay u balan qaaday in hadii ay badalaan fikirkooda siin doonto qadar lacaga oo u badan, balse waxaan ilaa hadda la garanayn inay aqbali doonaan ama diidi donaan xildhibaanadu.

Xaalada guud ee golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka ka duwan xaaladihii hore  ee golaha, ilaa haddan lama garanayo halka ay sal dhigan doonto heshiiska dekeda berbera.

Log11