Xildhiaano Reer Daadmadheedh Ah Oo Taageeray Kulmiye Ma Run Bay Ka Tahay Mise Wa Si Kale

waa hubaal midhkaasu nina loo qarin maayo .. Haddaba Mujaahid muuse iska hubso yaan teneg madhan laguu tumin hadda waan kuu

Horta marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan shacabka reer somaliland dhammaantood meel ay joogaanba madax iyo minjaba , waxa maanta aan daawaday xildhibaano leh waxaanu nahay reer odweyne oo waxaanu ku biirnay xisbiga kulmiye .. qosol yaa raba waa xor ummaddu halka uu rabo qof waliba wuu ku biiri kara cid u diidaysaana ma jirto axsaabtan waa loo wada simanyahay ayaguna shacbiga reer somaliland oo dhan waa u wada marti . taasi waa hanaanka dimuqraadiyaddu ku salaysantahay . waxa qudha ee reer kulmiye aan u sheegi laha horaa loo yidhi adigoon dabbaal baran dalaq lama yidhaahdo
gal dad liq ah . waxaan uga gon leeyahay waar mayska hubtaan inay dhab ka tahay dadkan aad leedihiin wey nagu soo biirin inay idin khiyaamaynayaan oo ujeedadeedu tahay woxoogayga uu la ordayo muse ka qaata dabadeed dhabarka ujeediya iyo inay rasmi ka tahay sheekadu .. aqnigu waxaan qabaa in filimku yahay in ay dadkani idiinku yimaadeen dhako kale (as long as the fish is in the sea it will never become a corocdile ) waayo waxaan ahay nin reer odweyne ah oo xogogaal ah , waxaan kale oo aan ogahay in reer daadmadheedh ay 100% taageersanyihiin xisbiga waddani codka uu ka helayo kulmiyana doorashada ay tahay 0.5%.. waa hubaal midhkaasu nina loo qarin maayo .. Haddaba Mujaahid muuse iska hubso yaan teneg madhan laguu tumin hadda waan kuu tudhayaa kumase taageersani siyaasiyan kumana necbi waayo halgankii raggii dalka xoreeyey baad ka mid ahayd .. daadmadheedh waa xero iyo xarun wadani waxba yaan durbaan beena laguu tumin dollarkaagana lagu guran daasado madhan .. lix sanadood baa talada dalka kulmiye hayey intaaba odweyne buulkuu ku jiray wax loo qabtayna ma jiro dhinac walba hadday caafimaad tahay hadday waxbarasho tahay iyo hadday adeegyo kale tahayba waxaaanay ka dhursugayaan isbeddel yimaadda .. imminkaan maqleyey riig biyood baa la keena waa goorma waa kala guurkiiye taasina malaa waxay ku timid siday iigu muuqato ololaha doorashada ( election campaign ).waxanay la mid tahay shiinlaydii Cabdi iidaan bisaddii uu lahaa jiirkii bay diiday inay cunto ( awalba wey cuneysee waxay maanta uga shaacday sheeg haddaad garato ) waxaan hadal ku soo koobayaa kolley kulmiye calafkiisa wuu ka qadi doona odweyne laakin indhaha reer odweyne waa waddani yey ku hodin waxma tarayaasha reer daadmadheedh ee ku leh way ku taageersanyihiin .. Hadda kama xumi ciddii rasmi u taageeraysa xisbiga kulmiye waayo waa xisbi qaran sida waddani iyo ucidba ay yihiin .. wa billah tawfiiq
Dahir, SA

Dahir Jama <dahir_jama@yahoo.com

********************************************************************
Gabiley.net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga