Xisbiga Waddani Oo Tageerayaal Baaxad Leh Xaflada Soo Dhayn Ah Ugu Qabtay Magaalada Hargeysa+ Sawiro

Hargeisa(GNN):-Xisbiga mucaaridka ah Ee Waddani Ayaa Maanta Munaasibad soo dhawayn ah u sameeyaay Kumanaan Tageerayaal ah oo ku soo biiray isla markaana ka soo digo rogtay Xisbi Xaakimka Kulmiye .

Tageerayaashan Baaxada Leh ee ku soo biiray Xisbiga Wadani ayaa waxa ay ka soo jeedaan Dagmooyinka 26Jun Iyo Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Tageerayaashani Waxa ay shegeen in ay ku soo biireen xisbiga Wadani Isla Markaana ay ka soo digo rogteen Xisbi xaakimka Kulmiye Iyago Xisbiga Waddani Ku Sifeeyay Xisbi Cadaalad iyo Horumar ku hanaan kara Guud ahaan Dalka Jamuuriyada Somaliland.

Masuuliyiintan Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani ayaa waxa ay isuu Jireen Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal Dhalinyarado Rag Iyo Dumarba Leh Waxayna iyagoo dhamaantood Hadalka Iska Daba Maray Shegeen In ay maanta farxad gaara u tahay in aan ka mid naqdaan Xisbiga Waddani.

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa iyagu Halkaasi ku soo dhaweeyay Tageerayaashan baaxada leh ee ku soo biiray maanta Xisbiga Waddani Ugu horayin waxa halkaasi ka hadlay Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaana uu sheegay in ay tageerayaashan ku soo biiray xisbiga wadani ay yihiin Tageerayaal Baaxad Leh Isla markaan wax ka badali kara qaabka geedi socodka Xisbiga .

Xildhibaan Rayte Iyo Xildhibaan Cabdi Qaadir Jirde Oo Iyagu Hadalka Iska Daba Maray Ayaa Sheegay in ay si kal iyo laaba ugu soo dhawaynayaan Xisbiga Waddani sido kale waxay shegeen in ay sahan iyagu u ahayeen Tageerayaashan Iyo Kuwo Damoo Soo Socdaba waxayna carabka ku adkeyeen in aanu sahankogii lugu qasaaran kol hadii maanta intaas oo tageerayaal ahi ku soo biireen xisbiga Waddani .

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ugu dambayntii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhayanayaan Tageerayaashan Xisibiga Wadani Gudoomiye Cirro oo arimahaasi ka hadlayaa wuxuu Yidhi ” waxaan doonayaa marka hore in aan u mahad-naqo Gudidii inoo soo diyaarisay Xafladan Weyn marka labaad waxaan si kal iyo laaba u soo dhawaynayaa Tageerayaasha Xisbiga Wadani ku soo biiray ee isugu jira Siyaasiyiinta Odayaasha iyo dhalinyaradaba waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada gacmo furan”