Xog Culus:-Mareeye Cali Xoor-Xoor Oo La Sheegay Inuu 9 Cisho Ka Hor Madaxtooyada Somaliland Geeyay Warqadii Iscasilaada

Hargeysa(GNN)August.15,2016-Warar xog ogaal ah oo ay heshey warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in maareeyihii dekedda berbera Eng Cali Xoor-xoor uu sagaal cisho ka hor madaxtooyada Somaliland geeyay warqadii iscasilaada,kadib markii khilaaf cakiran soo kala dhex galay madaxtooyada iyo maareeyaha isla markaana ay isku maandhaafeen heshiiskii dekeda berbera ee ay xukuumadda Somaliland lasoo gashay shirkada DP World.

Xogahan oo aan ka helayo ilo u dhaw una dhuun daloola maareeyee Xoor-xoor ayaa waxay noo sheegeen in maareeyuhu uu macal ka guurey xafiiskiisii uu ku lahaa dekeda berbera iyo gurigii dawlada ee uu ku jireyba.

Wareegto isku shaandhayn ah oo xalay kasoo baxday madaxtooyada Somaliland uuna soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in xilkii laga qaaday mareeye Cali Xoor-xoor badalkiisana loo magacaabay Axmed Yuusuf Dirir.

Maareeye Xoor-xoor ayaa isagu wali ku adkaysanaya inuu kasoo horjeedo wareejinta dekeda berbera ee shirkada DP World.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay wado qorshe ay mareeyee Xoor-xoor ugu darto labada qof dawlada Somaliland uga mid noqonaya boodhka shirkada Dp World balse lama ilaa hadda lama garanayo inuu Eng Cali Xoor-xoor aqbalo doono ama diidi doono qorshahaasi ay xukuumaddu wado.

Log11