Somaliland Oo Marti Qaad U Fidisay Ra,iisal Wasaarihii Hore Ee Dalka KENYA Raila Odinga Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Somaliland

Iyada Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Aad Loo Hadal Hayay Hadal Ka Soo Yeedhay Ra,iisal Wasaarihii Hore Ee Dalka Kenya Ahna Hogaamiyaha isbahaysiga dalka Kenya ee CORD mudane Raila Odinga Kaas Oo Maxhad Ku Yaala Dalka Ingiriiska Khudbad Uu Jeediyay Ku Sheegay In Loo Baahan Yahay In La Aqoonsado Somaliland,Ayaa Waxaa Hadalkan Si Weyn U Soo Jiitay Beesha Caalamka Iyo Guud Ahaanba Somaliland
Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Mud,Sacad Cali Shirre Oo Maalinti Shalay La Hadlay Warbaahinta,Ayaa Si Aada U Faaqiday Hadalkaas Ka Soo Yeedhay Mr Raila Odinga Waxaanu Sheegay In Xukuumada Somaliland Si Aada U Soo Dhoweynayso Isla Markaana Uga Mahad Celinayso Cid Kasta Oo Garata Xuquuqda Dalkani Ku Leeyahay Beesha Caalamka

Dr Sacad Cali Shire Waxa Uu Sheegay In Dawlada Somaliland Ay Marti Qaad U Fidisay Ra,iisal Wasaarihii Hore Ee Dalka Kenya Kuna Casuumtay Dalka Somaliland Waxaanu Yidhi,,,Marka Hore Waxaanu Uga Mahad Naqaynaa Hogaamiyaha Is Bahaysiga Dalka Kenya Mudnaanta Uu Siiyay Beesha Caalamka Si Loo Aqoon Sado Somaliland,Waxaanu U Fidinay Marti Qaad Waxaanu Sidoo Kale U Dirnay Warqad Qoraal Ah Taas Oo Xukuumada Somaliland Ugaga Mahad Celinayso,Sida Buuxda Ee U Taageersan Yahay In La Aqoon Sado Somaliland
Sidoo Kale Wasiir Sacad Cali Shiree Waxa Uu Ka Hadlay Halka Uu Maraayo Ololaha Ictiraaf Raadinta Somaliland,Taas Oo Ay Wadaan Xukuumada Somaliland,Iyo Jaaliyahada U Dhashay Dalka Ee Ku Kala Nool Wadamada Caalamka,Waxaanu Rajo Fiican Ka Muujiyay Dadaaladaas Ay Wadaan Dhamaan Umada Somaliland Iyo Shacbigeeduba,
Waxaanu Yidhii,,,Waxaa Jirra Olole Balaadhan Oo Ay Wado Xukuumada Somaliland Iyo Qurba Joogeeda Arinkaas Iminka Waxa Uu Marayaa Meelo Fiican Waxaanu Waxaanu Soo Hooyay Durtba Guulo,Guulahaas Oo Ay Ugu Waaweyntahay In Aynu Ka Qayb Galno Shirar Aan Horre Loogu Ogolaan Jirin Inay Ka Qayb Gasho Somaliland,Oo Uu Ka Mid Yahay Shirka Ganacsigu,Qurba Jooga Somaliland Iyaguna Waxay Wadaan Dadaalo Aad U Waaweyn Waanan Uga Mahanaqaya Si Kasta Oo Ay Inagu Qaadato Waxaynu U Midoobaynaa Sidii Aynu Somaliland U Heli Lahayd Ictiraaf Ay Ka Hesho Dhamaan Beesha Caalamka:

 

GNET ,Hargaysa