bali Waxaan Ka Digayaa In Cadaalad Daradii Ka Dhacday Dagmada Baligubadle Aanay Ka Dhicin Dagmada Cusub Ee Gumburah.

marka hore salaan guud marka xiga waxaan qoraalka si adag ugaga digayaa in laga feejignaado wixii kala fogaynay tolnimada iyo wada jirka beesha arab gudaheeda taasoo maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya taasoo hadii aan waxlaga qaban keeni doonta burbur iyo in kala dhaqaaq ku yimaada beesha gudaheeda

Tusaale tan iyo markii xukuumadan talada haysaa dalka qabsatay waxaa dhamaan xubnihii golaha wasiirada ee beesha arab ay noqdeen beesha maxamed celi halka ee beelihii kale looga tagay laba agaasime guud taasoo ahyd cadaalad daro aan geedna loogu soo gaban

Isla markaa ay beelihii kale ay isku qanciyeen dulqaad iyo inaan la iska daba buuqin

Markii taa laga soo gudbay waxaa dhacday in godoomiyii gobalka hawd iyo maayarkii magaalada baligubadle ay isla iyagii ku darsadeen

Markii sadexaad waxaa dhacday in hadana ay ku darsadeen xubnihii beesha arab ee dagmada hargaysa

Markii afraad markii ay dhacday doorashadii golaha deegaanka ee dalka xubnihii fulinta ee dagmada baligudle waxaa lagu soo daray maayar ku xigeen kasoo jeeda beesha subeer celi halka xoghayii iyo maayarkii ay qaateen beesha maxmed cei muda yar kadibna xubnihii golaha deegaanku waxay si gaara xilkii uga qaadeen maayar ku xigeenkii subeer celi iyagoon ku badalin xildhibaan la beela waxaanay xubnihii fulintu sidaa ku noqdeen isku beel kaliya

Hadaba waxaa is waydiintu tahay beesha subeer celi ee ugu dhulka balaadhan gobalka hawd iyo hargaysba ee waxaasu ku dhacayaan maka doqonimaa mise waa ka dulqaad ?

Waxaana jawaabu tahay in ay beesha subeer celi ka tahay dulqaad iyo nacayb ay necebtahay iska daba buuqa iyo isdaba gurka beesha arab waxaanad moodaa in ay walaalahayo ay u qaateen in aanaan waxba doonaynin

Waxaa kale is waydiin leh in aanaan marna arag salaadiinta arab oo cadaalad daradaa ka hadlaya laakiin taa badalkeeda iyagu uun usu muuqda halka siyaasiyiintii iyo wasiiradii magaca arab wayne xilka ku hayay ay noqdeen qaar ku kooban danahooda gaarka ah iyo ta jilibadooda hoose

Sidaa dartdeed waxaa iisoo muuqda hadaan sida ay waxyihiin wax laga badalin in xaaladu ku danbayn doonto gabaygii ahaa

RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC

Ugu danbayn waxaan ka digayaa in magacaabista cusub ee xubna fulinata dagmada gunburuhu u dhicin sida ta baligubadle oo beelo gaari isku koobin lagana digtoonaado wixii horay u dhacay

Waxaanan dadka aqoonyahanka ku baraarujinayaa in beesha arab aanay dalka xaqeeda ka maqan ka heleyn inta ay iyagu isku jeedaan gudahoodana is dulmiyayaan

Caaqil Axmad Ciise