Deg Deg :- Gudoomiye Ku Xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Xabsiga Loo Taxaabey + Sababta.

Burco(GNN):- Gudoomiye ku xigeenkii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa xabsiga loo taxaabey

Wararka ay shabakada Gabileynews.com Ka Helayso xadhiga saxafigaas ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyey garsoore ka hawl gala maxkamada magaalada Burco kaas oo la sheegay in uu ka cadhoodey isla markaana uu dhibsadey war uu dhawaan saxafigu ku baahiyey bartiisa Facebook .

14232968_1412215415458512_1313274276677621852_n

Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa waxaa uu dhawaan barta uu ku leeyahay shabakada ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook ku soo daabacay arin uu ku sheegay in uu mucjiso tahay isla markaana uu la kulmay taas oo ku taxaluuqda nin garsoore ka ah magaalada Burco oo beerka isqaba marka la eedamo kaas oo xanuunka laga jaro marka uu milix cuno oo uu sheegay in uu isagu arintaasi goob joog u ahaa iyada oo ay ku dhacdey garsooraha