Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Go,aankii Madaxwaynaha Ee Kala Qaadista Labada Doorasho Cambaareeyayna Shirkii IGAD Ee Muqdisho Ka Dhacay

Shir Gudoominaayey Gudoomiye Ku Xigeenka kowaad Golahaasi Baashe Maxmed Faarax Ayaa Waxaa Ay Cod Gacan Taag Ah U Qaadeen mudanayaashu Kala Qaadistii Labada Doorasho Ee Madaxtooyada Iyo Wakiilada ee uu usoo gudbiyay madaxwaynaha somaliland.
Fadhiga Saaka Oo Ay Ka Soo Xadireen 59 Muddane Ayaa Waxaa Ogolaadey Kala Qaadistaasi 52 Muddane Waxaa Diiday 5 Xildhibaan Gudoomiyuhuna Muu Codeyn halka hal mudanena ka aamusay Sidaasna Waxaa Ay Xildhibaanadu Ku Meel Mariyeen Kala Qaadista Labada Doorasho ee golaha wakiilada somaliland iyo madaxtooyada.
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax Oo Isagu Shir Gudoominaayey Fadhigan Saaka Oo Waraabinta La Hadley Waxaa Uu Sheegay In Go’ankooda Maxkamadda Sare Loo Gudbin Doono Isla Markaana Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada Loo Sameynaayo Mudada Ay Noqon Doonto Ay Go,Aan Ka Gaadhi Doonan Golaha Guurtidu.
Dhawaaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay i doorashadii golaha wakiilada iyo tan madaxweynahaba la kala qaadi doono taasina waxa ay keentay in wadamo ka mid ah kuwo Dimuqraadiyada ka taageera Somaliland ay ganafka ku dhuftaan siiba dawalada Ingiriiska oo walaac ka muujisay in labada doorasho lakala qaado.

Geesta Kalana Guud Ahaan Golaha Wakiilada Ayaa Si Isku Mid Ah Isla Kalfadhiga Ugu Cambaareeyay Go,aamadii Laga Soo Saaray Shirkii IGAD Ee Muqdisho Ka Dhacay Iyagoo Ku Tilmaamay Mid Lagu Wiiqayay Qaranimada Jiritaanka Somaliland.