Guddoomiye Ku Xigeenkii Garabka dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Wadani Oo Iska Casishay Xilkii Ay Xisbigaasi ka Haysay

Borama(GNN):-Guddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Wadani Marwo Saynab Axmed Cali ayaa iska casishay xilkii ay ka haysay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani. Marwo Saynab faah faahin badan kama bixin sababta ay isku casishay hasa yeeshee qoraal kooban oo ay na soo gaadhsiiyey ayay ku sheegtay inay Xubinimadii xisbigana ka baxday. Qoraalka uddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Wadani Marwo Saynab Axmed Cali ayaa u qornaa sidan:

“ Waxa maanta oo ay bishu tahay 9 bishii 9 2016 aaan gabi ahaanba iska casilayaa xilkii aaaan garabka dhalinyarda heeer qaran we xusbiga Waddani u ahaya isla markana  xubinimadii xisbigana  waan kale noqoday”

Gudoomiyahe ku xigeenka garabka isla markaana ku simihii gudoomiyha

Eng Saynab Ahmed Ali