Isbedelka Garsoorka Somaliland Caqabadaha Ku Lamaan,Garsoorayaal Is Casilay, Kaaliyayaal iyo Garsoorayaal is Haysta, Iyo Falal aan Abid Ka Dhicin Garsoorka Oo Hadda Soo Ifbaxay+Talaabada Laga Filayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Hargeisa(GNN):- Iskasta oo Door laxaad leh uu ka qaatay gudoomiyaha maxkamada Sare Somaliland Mudane Aadan Xaaji Cali isbedel caddaalad ku dhisan oo ka hanaqaada Garsoorka dalka, dedaal faro badan iyo fikirna uu galiyey, ayaa haddana waxa jira caqabado ilaa hadda aan laga talaabsan oo dib u dhac ku keenaya in ay hirgasho Himiladaa iyo dedaalkaa uu la kowsaday Gudoomiye Aadan Xaaji Cali. Xarumaha Maxkamadaha Dalka haddii aad si qotodheer ugu kuur gasho nidaamka shaqo iyo heerka cadaalada taala, waxaad la kulmaysaa tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha. kuwaas marka aad waraysato bulshada kala duwan ee subax kasta kusoo kalaha sida loogu adeego iyo caqabadaha haysta ay yihiin kuwo aad ka naxayso. waxana wali jooga shaqsiyaad ka hadhay Intii sida khaldan u adeegi jirtay  oo ku mabay dhiiga iyo dheecaanka danyarta hawluhu Maxkamadda kaga xidhan yihiin.

 waxase ugu darnaa oo Bulshada reer S/land mar kaliya ku anfariireen markay maqleen warkii dhiilada lahaa. waa markii muddo imika laga joogo 7 maalmood ay is casileen qaaar kamida garsoorayaashii maxakamada degmada iyo gobolka m/jeer iyo ku xigeen xeer ilaaliye guud oo qaarkood ka biyo diideen deegaano kale iyo gobolo kale oo loo bedelay. Walow aan taasi saameyn ku yeelan in bulshadu hesho adeegii cadaaladeed ee ay u baahnaayeen. waxa kale oo yaab noqotay markii todobaadkan ina soo dhaafay xabsiga loo taxaabay 6 kaaliye oo ka tirsanaa Maxkmada Degmada, Maxkamada Gobolka Iyo Maxkamada Rafcaanka. falkan lagu xidhay ama loo haysto ayaa ah mid ku cusub guud ahaanba dalka somaliland, oo aan hore uga dhicin, Waxaa lagu eedeeyey kaaliyayaashan oo ah afar ragg  iyo laba gabdhood, Warsaxaafadeed uu soosaaray gudoomiyha maxkamed gobolka M/Jeex Mudane Axmed Dalmar Ismaaciil waxa uu Sheegay In Lagu Xidhay kiis Baadhis Facebook acount been abuur ah oo lagu baahiyey warar iyo qoraalo la isaga horkeenayo Bahda Cadaalada.

haddaba ilo u dhuun daloola xadhiga kaaliyayaashan tirada intaas leeg ah iyo xaqiiqada shaqo ee iyaga iyo masuuliyiinta ay wada shaqaynayeen ayaa sheegaya, in dhibaatada meesha ka jirtaa ay tahay in habayaraatee aaney jirin oo ay meesha ka baxday nidaamkii wanaagsanaa ee wada shaqayneed, arrintaasina keentay in gudoomiyayaashii soo kala dhaweystaan shaqaale hoosaadkii xafiiska ka wada shaqaynayey taasina sababtay kala shaki iyo cilaaqaadkii wanaagsanaa iyo isku xidhnaanshii Guddoomiyaha iyo kaaliyayaasha kala duwan oo meesha ka baxay.

Maxkamadahan ayaa ah Kuwa Kiisaska ugu Badan ee Bulshada loogu Garnaqo, ayey arrintani ku noqonaysaa Boog madow oo bulshada somaliland amakaag galisa mar hadiiba ay is haystaan kaaliyayaashii iyo hormoodkoodii oo aad moodo in ay laba u kala qaybsan yihiin arrintaasina ay sabab u tahay gudoomiyayaashii oo aan sidii sharcigu dhigayey ugu maamulin nidaamkii shaqo iyo shaqaale ee bulshada uu hogaanka u yahay,

6 kaaliye ayaa habeenkii lixaad ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaala magaalada hargeisa, ilaa haddana aan la horgeyn wax maxkamad ah balse lagu sheegay in kiiska baadhistoodu socoto.

Si Kastaba ahaatee waxaa laga dhursugayaa Talaabada  uu ka qaado arrimahan caqabada ku noqonaya horumarkii dhinaca garsoorka  ee ku hagayey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland  Mudane Aadan Xaaji Cali, ahna masuulka ugu sareeya ee dhinaca Garsoorka Somaliland.