DAAWO:Mucaaradka Gabon oo Gubay Baarlamaanka Dalkaasi.

Booliska caasimadda Libreville ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u kala eryo taageerayaasha Mr Ping, oo rumeysan in doorashada looga shubtay.

Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.Qoyska Bongo ayaa talada dalkaasi shidaalka qaniga ku ah hayay ku dhawaad nus qarni.