Run Iyo Raad Raac Muwaadin Cashuurtu Waa Udub Dhexaad ka Dhismaha Dawladnmo Ee Qaranka S/land Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Bulshayahay Cashuuruhu
Waa caymis qaranoo
Midnimadu ka curatoo
Dawladnimo ku caantahay
Ciidan suga amaankoo
Cadaw kaa ilaashoo
Ka hortaga colaadaa
baaq
Cuno looga dhigayaa
Caqli nimaan lahayniyo
Bakhaylkaa canaadoo
Cago jiid ku bixiyee
Bixiyay cashuuraha Bixiyay cashuuraha Bixiyay Cashuuraha
Waa cudud dhaqaaloo
Ciideena mudaniyo
Calankana ka gaadhoo
Dawladnimo ku caantahay
Bahda caafimaadkee
Cabashada bukaankiyo
Cudurada dawaysaa
Calaf looga dhigayaa
Casharada bilaashkiyo
Cilmigaad ku barataa
Caqli nimaan lahayniyo
Bakhaylkaa canaadoo
Cago jiid ku bixiyee
Bixiyay cashuuraha
wasiirka-maaliyada

Bixiyay cashuuraha Bixiyay cashuuraha
Ugu horayn midhaha Heestani waxay si qoto dheer Bulshada S/land ugu iftiiminaysaa Faa”iidada baaxadleh ee Cashuurtu u leedahay Dhismaha Qaranka S/land iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Wacyi Galinta Cashuur Bixinta ay ka qayb qaataan Halabuurka ,Culimada Dalka , Saxaafada Madaxa Banaan iyo Madaxdhaqmeedku waxaana hubaala in Muwaadiniintu tahay in Danta Qaranku ay tahay Dantaada , Waa Naftaada Ka Qaad Oo Naftaada U Qaad ( Bixi Muwaadin Cashuurta Kugu Waajibtay )
Cashuurto waa Udub dhexaadka Dawlada iyo dhismaha Qaranka waana Mishiinka wareejiya Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada S/land waana waajib Qaran oo saaran in uu qof kasta oo ay ku waajibtay uu bixiyo Cashuuraha kala duwan ee dalka S/land , mar kale Cashuurtu waa Astaanta midnimada ee midaysa Dabaqadaha kala duwan ee Bulshada sida Maalqabeenada ,Danyarta iyo Dadka Dabaqada dhexe ee nolosha ku nool oo qof kasta Cashuurta ku waajibtay laga qaado mar kale Cashuurtu waa Dakhli aanay ka maarmi Karin Wadamada Dunida ugu Cududa wayn uguna dhaqaalaha badan sida Wadamada Maraykanka iyo Ruushka oo kale .
sacad
Inkasta oo marxalado kala duwan ay soo mareen Nidaamka Cashuur Ururinta ee Dalka S/land waxaan ku tilmaami karnaa Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo marxaladii ugu wanaagsanayd ee ay soo martay Nidaamka Cashuur Ururintu waxaana Wasaarada Maaliyada iskaga danbeeyay Wasiiro horo mar baaxad wayn ka sameeyay Nidaamka Cashuur Ururinta iyagoo Sadexda Wasiir kaashanaya Agaasimayaal Aqoon iyo Khibrad dheer u leh Nidaamka Cashuur Ururinta ay ka midho dhaliyeen Aragtidii Wasiiradii Wasaarada Maaliyada soo maray ee ku guulaystay Tayaynta iyo kor u qaadida Nidaamka Cashuur Ururinta ama Nidaamka Dakhli Ururinta ee Dalka S/land .
Waxaana hubaala in mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo Bulshada S/land ka marag kacayso korodhka baaxada leh ee Sannadba Sannadka ka danbaysa sii kordhaysa oo ka muuqanayso Cahuurtii ay ka muuqanayso Miisaaniyada guud ee Qaranka S/land waana mid farxad galisa Bulshada S/land iyadoo Miisaaniyada Sannadlaha ah ee Dalka S/land ay ka marag kacayso Cududa Dhaqaale ee Qaranka S/land
.
Ugu danbayn waxaan ALLE uga baryayaa inuu Janno Fardawsa Ka Waraabiyo Masuuliyiintii Geeriyootay ee Bud dhigtay Nidaamka Cashuur Ururinta ama Dakhli soo xeraynta Wasaarada Maaliyada oo marxalado kala duwan soo maray anigoo dhamaan Bulshada S/land ku Guubaabinayaa in ay Fahmaan Faa”iidada baaxada leh ee Cashuurtu u leedahay Dhismaha Dawladnimo iyo Dhismaha Qaranka S/land
.
Qalinkii Iyo Erayadii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Tell 0634669910