TV GA CNN: SOMALILAND OO DOONAYSA INAY WADANKA 55 KU NOQOTO AFRICA.Qalinkii. Waxa Soo Turjumay: Maxamed Xaamud Cali.

Dhamaan waad salaamantihiin meelkasta oo aad joogtaan Akhristayaasha manta waxaan doonayaa inaan wax yar iftiimiyo warbixin uu Somaliland ka qoray TV GA CNN  oo sheegaysa Jihada ay Somaliland usocoto ama waxay doonayso taas oo ah warbixin dheer lkn aan ka soo Turtumay intaa Muhiimka ah masheegaayo Somaliland waxay tahay oo aan in badan maqaalo ka qoray laakiin hada waxaan sheegayaa waxaa uu TV Ga Cnn qoraal ahaan uga qoray waxay u dhacday sidatan

Dhawaan waxaa uu madaxwaynaha Somaliland Soo bandhigay dad gaadhaya 1 Milllion oo qof saxeexood oo ay ku dalbanayaan aqoonsi siyaasadeed oo caalami ah caalamkana ku ogaysiinayaan inaanay Kamid ahayn Somalia oo ay kala baxeen
1991 kii kadib markii ay Burburtay Dawladii Siad Barre waxaa uu tusaale usoo qaatay tv gu wadamada ERETRIA iyo South SUDAN  taas oo aad ugu adkayd Africa inay Goaan hadaba akhristayaal Africa sababaha ay Somaliland u aqoonsan ladahay waxaa kamida Africa waa shucuub aad ubadan wadan kasta oo aan ka Soomaalida ahayn waxaa kunool qabiilo iyo qowmiyado kala duwan taasi waxay keentay in Africa ay dhiiri galin waydo in dadku uu kalago iyagoo ka baqaayay inay Burburaan taas macnaheeda waxaa samaysmay ururo badan oo African ah oo maalinkasta u dooda African Unity ama inay isku xidhnaanta Africa ururadaa dhamaan waxaa taageersan dalalka Africa kagana saamayn badan Somaliland dalalka Africa shirar aan Somaliland lagu casuumin ayay tagaan iyagu iyagoo difaacaaya midnimada Africa taas ila fahan aan ka nimaadno maqaalku waxaa uu sheegay in Africa inay kalagodo ay bilaabantay sanadkii 1960 meeyadii markaas oo Nigeria ay doontay inay kagodo qaybta Biafran laakiin ciidamada Federal ka Nigeria ayaa ku guulaystay inay Gacan Bir ah ku qabtaan Dhinaca kale wakhtigaaa waxaa isna bilaabay inay kala go,aan Congo waxaana doontay inay go,aan qaybta Katanga’s kuna dhawaaqday inay madax banaan tahay laakiin arrintana waxaa soo dhexgalay ciimado qaramada madoobay lahayd dhameeyayna Arrintii

Hadaba waxay usoo wareegay dhaqdhaqaaqaasi xagan iyo bariga Africa waxaana kala baxay Ethiopia iyo Eritrea sanadkii 1993 kii dhawaana waxaa kala go,ay South Sudan iyo Sudan labadan wadan ee madaxbanaanida qaatay ayaa iyana Somaliland caqab kunoqday waayo waxaa laga cararayaa in wadanka sadexaad  madaxbanaani qaato oo isna kuyaal bariga Africa  Somaliland waxay doonaysaa in iminka la aqoonsado oo ay kamid noqoto dalalka Africa waayo waxay tageen South Sudan markii sanadkii 2011 kii ay madaxbanaanida qaadanaysay iyagaa soo qaatay Garamaan ay ku qoranyihiin Somaliland baa ku xigta

Wadamo badan oo African ahi waxay ka cabsanayaan in hadii ay Somaliland aqoonsadaan inay noqonayso marka ay wadan African ah qalalaase ka dhacoba in la yidhaahdo kala bax halagu xaliyo  hadaba Somaliland waxay doonaysaa inay Africa kunoqoto 55 wadan halka Somalia ay doonayso inay somaaliland ka midnoqo qayb kamida dib udhiska Somalia Somaliland ayaad moodaa inuu liito galaangalka ay ku leedahay Africa iyadoo haday xagaa Africa dedaal ka samayn lahayd in uun midhodhal ka iman lahaa waayo Arrinka Somaliland marka hore waa Somalia kadib waxaa la marinayaa heer qaradeed Africa ah kadib ayaa loo ban dhigayaa bulshada caalamka oo Qaramada Midoobay ay matasho intaas ayaan kusoo koobayaa akhristayaal

SOO XIGASHO

Warbixintan aan idiinsoo dejiyay ama aan soo turjumay waxaa Boga Cnnnews lagu qoray 15/9/2016 waxaa waliba lagu qoray qaybta arrimaha Africa isagoo warbixintani ahayd qaybta Tafaftiraha kasoo baxday waliba waxaa lagu waraystay ninka layidhaahdo Peter Robert Woodward oo ah Professor cilmiga siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah waxaanuu wax ka dhigaa jaamacada Reading ee Dalka England

W/Q Maxamed Xaamud Cali —————————————————————- SOMALILAND

Xaamud_33@hotmail.com