Wafti Mugleh Oo U Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Wajahan Magaalada Laascanood.

Wafti Wasiiro Wasiira Oo U Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasin Xiir Faratoon Oo La Filaaya IN Ay Gaadhan Magaalada Laascanood Xilli Rabshado Ka Dhaceen Shalay Warar ay helayso Shabakada Burcoonline ayaa sheegaya in wafti wasiro oo ka tirsan xukuumadda Somaliland la filayo inay saaka u baxaan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool

oo uu shalay ka dhacday iska hor imaad u dhaxeeyey bulshada magaalada iyo ciidamada booliska isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.Waxaana waftigan la sheegay inuu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),

Waxaana ujeedada socdaalkoodu daaran tahay sidii ay usoo xalin lahaayeen isla markaana wax uga soo ogaan laahayeen sababaha keentay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada laascaanood oo dhex martay ciidamada booliska Somaliland iyo bulshada magaalada isla markaana sababtay khasaaraha dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca tiro kale.Waftigan uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa la filaya inay saacadaha soo socda ka baxaan magaalada hargeysa,iyadda oo wararka magaalada laascaanood naga soo gaadhayaana ay sheegay in xubno xukuumadda Somaliland ka tirsan ay xalay gaadheen magaalada laascanood.

GNET