Xaflad Balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Murrashaxa jagada Madaxweynaha kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Oo Ka Dhacday Magaalada Birmingham

Birmingham, UK (GNN) 06.10.2016 – Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday Magaalada Birmingham, iyadoo ujeedada xaflada ay ahayd sidii loo soo dhoweyn lahaa, Wafti heer sare ah oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxaana abaarihii 7 fiidnimo xalay 05 October 2016, ay ka dhacdey Magaalada Birmingham.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qeyb-galey, qeybaha kala duwan Bulshada Sida:- Tageerayaasha Kulmiye iyo Jaaliyadda Somaaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham iyo waliba qaar kale oo ka yimid daafaha iyo dacalada waddankan United Kingdom.

Xalay waxay reer Birmingham u ahayd habeen taariikhi ah oo dadka Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay ka muuqatay qiiro iyo wadaniyad cod dheer lahayd., iyagoo ku farxsanaa soo dhoweynta WeftigaMurrashaxa jagada Madaxweynaha KulmiyeMudaneMuuse Biixi Cabdioo ka mid ahaa weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Xaflada oo ay isku dubaridkeeda lahaayeen Gudida Kulmiye Birmingham ayna hormood ka ahayeen Gudoomiyaha Md Maxamud Xirsi DuduuIyo Gudoomiye Ku-xigeenka Md Fariid Diiriye Nuur: waxaa ugu horayn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah, iyadoo kadibna laga waramay Ujeedada xafladda iyo Booqashada weftigaGudoomiyaha kulmiye ahna Musharaxa madaxweynaha Md Muuse Biixi,

Waxaa kadib halkaas ka hadley qaar kamid ah waftiga ballaadhan ee la lasocday GudoomiyahaXisbiga Kulmiye, sida wasiirka madaxtooyada Maxamuud xaashi Cabdi. wasiirka CaafimaadkaDr Saleeban Ciise Axmed Xaglo-Toosiye.Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse

kuwasoo halkaasi kasoo jeediyey khudbado yaryar oo kooban, kuwaasoo dhinacyo badan taabaneyey.

Hadalka wasiirka madaxtooyadda Md Maxamud Hashiwaxaa ku jirtey in Jaaliyadda amatageerayaasha Kulmiye ee qurba-joogta ah looga baahan yahaysidii lagu yaqaanay:taageero dhaqaale oo lagu fuliyo hawlaha Xisbiga iyo inay muujiyaan dedaal badan.

Intaa kadib ayaa waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey,

ugu dambeyntii ama lagu soo gabegabeeyeyGudoomiyaha Kulmiyeahna musharaxa xisbiga kulmiye Mudane Muse Biixi Cabdi .waxaa gudoomiye Muuse Biixi Jaaliyadda reer Birmingham uu ugu baaqey iney noqdaan horseed lagu daydo oo wax weyn ka tara dibu-dhiska dalkooda hooyo.wuxuu uga mahadceliyey dadweynihii reer Somalilland ee sida sharafta leh ugu soo dhoweeyey Britain markii u horeeysay ee uu yimaado, wuxuuna si gaar ah amaan iyo bogaadin badan u jeediyey qaban-qaabiyayaashii munaasabadan ,

Ma ahayn wax qoraal lagu soo koobi karo khudbaddihii weftigiiHogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha Kulmiye

Geba-gabadii xafladdaan ballaadhan ayaa waxaa ay ku dhammaatey jawi ay farxadi ku dheehan tahay, kaasoo Jaaliyaddii ka qeyb- gashey ay aad mabsuud uga wada ahaayeen, waxaanna Musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye uu mid-mid u gacan qaadey Jaaliyaddii ka qeyb-gashey kulankaasi.
Waxaa isnahalkaasi gabay cajiiba ka jeediyey Abwaan Cabdi maxamud Cilmi “Baraar”Gabaygan quruxda badan oo munaasida aad u khuseeyay iyo waayihii la soo maray.
Xafladda waxaagoob-jooge ka ahaa qeybaha kala duwan ee Saxaafadda, sida Telefishinka Qaranka ee SLNTV iyo Horn cable Tv.,.

Waxaa la filayaa in weftiga Musharaxa madaxweynahaMudane Muuseay uga bilaabato booqashooyin kale oo uu ku kala bixinayo Goboladda kaleku yaala dalka Ingiriiskaoo ay ka mid yihiin London Bristol iyo Magalooyin kale.

Log11