ABAALGUDKII UGU MUDNAA IYO AGAASIMAHA CISBITAALKA GABILEY.

Tan iyo intii ay Cisbitaalka ka tagtay Dr Deeqa Agaasimihii hore ee Cisbitaalka Gabiley,Ee dadaalka badnayd,Dr Rudwaan wuxuu ahaa mid meesheedii buuxiyay oo waliba baro dheereeyay,Waana nin ay inta badan ay gacantiisa ku kalsoon yihiin dadka ku dhaqan Degmadan Gabiley iyo Dagmooyinka kale ee Gobolka,Sida aan xog dheeriya ku helayna, Waxaa Adeeg Caafimaad Cisbitaalkan u soo doonta dadwaynaha ku dhaqan Kililka shanaad ee Itoobiya Gaar ahaan Agagaarka Magaaladda Jigjiga,Waxaanu qabtaa Cisbitalkan iyo Dr RUDWAANKAN Kartida ku suntani dhamaan adeegyada kala duwan Cisbitaal Qabto,Haday tahay Adeega Degdega ah,Qaliinada noocyadiisa kala duwan iyo Dawaynta Guud ee Bukaan Socodka.

Hadaba Akhriste Waxaad iga sugaysaa,Maxay tahay Abaal gudka loogu abaal guday agaasimahan la mahadiyay?Si fudud ayaan waxaan kuu odhan karaa Inan kasta oo ku dhasha cisbitaalkan waxaa loogu magac daraa magaca doctorka ee ah RUDWAAN,Waxaana dhawaan Qaliin cisbitaalka loogu sameeyay Gabadh Dumaashi iigu Toosan taasi oo uu Qabo inan aan Ilmaadeer nahay waxaanay dhashay wiil aan ugu magac darnay Rudwaan,Markii uu Qaliin aad u wanaagsan oo ay durba Gabadhii ka soo raysatay uu u Sameeyay Agaasimaha cisbitaalkan waa Dr RUDWAANNE.

Inankii dhasha ee Reer Gabilay waxaa loo bixiyaa Rudwaan waxaana  dhalaanka loogu bixiyay Magacaa,Waxaa Hooyo waliba doontaa nin Magac iyo Maamuus leh oo ay Wiilkeeda Ugu  magac darto taasana sababtay in Reer Gabiley ay jeclaadaan inay u bixiyaan Magacan Diktoorka,Wacnaan lahaydaa dadka Reer Gabiley oo wadda RUDWAAN AH.Kartida iyo kaamilka shaqo waa ta uu ku kasbaday bulshada Gobolka,Waxa uu ku caan baxay Karti,Aqoon, Hufnaan,Masuuliyad dheeraada oo uu iska saaro dadka Bukaan ka ah,Taasi oo sobobtay inay dadka Reer Gabilay Maanka iyo Quluubta ku xardhaan Magaca Rudwaan.

Dr Rudwaan wuxuu xaliayay oo uu dhamaystiray Howlihii Caafimaad ee loo tagi jiray  Caasimada Somaliland Ee Hargaysa iyo Dalalka Jaarka ah,hawlahaa uu qabtay waxay ka markhaati kaceen kaalinta Dr Rudwaan kaga jiro Sooyaalka Caafimaad ee ay Taariikhdu xusi doonto iyo shaqo wanaaga kartidu ku ladhan tahay,Waxaa inta badan lagu xasuusan doonaa kiisas halis ah oo uu ku guulaystay dhalaan badan iyo Hooyooyinkood Badbaadiyay Alle ka sokow.

10,000 Boqolka kun ee Qof ee ku nool Gobolkan iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya dadaalka Dr Rudwaan waxa uu u hirgalay si layaaba,Waxaana lagu diirsaday, Dadaalka, Aqoonta,Daacadnimada,Hufnaanta shaqo ee ka Muuqata Dr Rudwaan,Taasina waxay kalsooni ku abuurtay Dadkii Reer Gabiley ee la daalaa dhacayey Daryeel Caafimaad La,aanta iyo niyad jabkii ku Gadaanayd.

Mudadii labada sanno ahayd Ee Agaasimahani gacanta ku hayey masuuliyada Cisbitaalkan ayey ahayd ta uu ku hantay Quluubta Reer Gabiley,Taasina waa ta dhalisay in Qof walba oo Dumar ah oo Reer Gabiley ah inay ilmaha ay dhalayso ugu Magac darto Dr Rudwaan loona Bixiyo Rudwaan,Waxaana xaqiiqo ah in Hooyo walba markay Uurka leedahay waxay Eegtaa Nin Raga oo haday Wiil dhasho ay ugu magac darto.

Dr Rudwaanna wuxuu mutaystay Abaal Gudkaa Magac Bixinta loogu magac daray.Si kastaba ha ahaatee waxa Dr Rudwaan marayaa Heer dadku hadanu joogin dhakhtarka aanay iman oo Mudo Sugaan,In kasta oo aanan soo koobi karayn guulaha taariikhiga ah ee uu ku guulaystay hadana waxaa dhegaha dadka si wayn uga qaylinaya Kiisas Faro badan oo uu si wayn uga hawl galay kuna guulaystay,Waxaanu siin lahayn ama naga mutaystay Dr RUDWAAN Billado Dahab ah.

W/Q C/NAASIR GURAY MEECAAD            TEL.0634462703/0659097073.