Boqor Cismaan Buurmadow Muxuu ka Yidhi Kooxdi Isbahaysiga ee Ku Biirtay Waddani iyo Xilki Loo Magacaabay Xirsi Xaaji Xassan

Boqor Cismaan Muxumad Buur-madow oo qoraal ku baahiyey bartisa Facebook waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay ku biirista xisbiga Waddani uu ku biiray Xirsi Cali Xaji Xasan iyo sidoo kale xilka loo dhiibay.
Boqorku waxa uu hadalkiisa ku koobay ereyo sarbeeb ah oo uu ku duray siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha bariga burco ee hore ugu jiray xisbiga Waddani isla markaana aan ka dhex muuqan xisbiga Laguna qiimayey dad caato ka ah siyaasadda waxaana uu yidhi.
“Caawa iyo dhacdadii maanta waxay isoo xasuusisay dhacdo hore oo taariikhi ah kolkii maanta inaadeerkay xirsi cali xaaji xasan uu ku biiray xisbiga wadani isaga iyo saaxibadii
Dhacdo hore oo khusaysay xirsi ardaagiisa hoose ee reer maxamuud faarax markii uu dhintay cabdullaahi xandule oo ahaa boqor gaacir awoowihii waxaa lafilaayey inay caaqilnimada qabtaan ba ijo oo markaa ahaa faraha reer maxamuud faarax mase dhicin ee waxaa ladoortay geeldabar oo ahaa keligii bah gooni oo ka fiicnaa nimankii badnaa ee ba ijo markaas baa gabyaagii caanka ahaa ee faaraxlaan jeer oo ay hooskatuur lahaayeen reer maxamuud faarax ayaa gabay ku tuuray nimankii badnaa ee ba ijo ee caaqilnimada qabankari waayey .waakan gabaygii
Todobaatankii ba ijo oo taagan garabkiisa
Haduu taygarkii keli ahaa taajkii ka hor qaaday
Tabiyo xeel ninkii garanayoow tiro ha xalay nin
Hadaba dulucda hadalkaygan waxaan uga jeedaa qoladii wadani ee beelaha habarjeclo ugu jiray xisbiga tacabka badan geliyey marhadii gudoomiye ciro iyo musdanbeedkiisu ku qiimeeyeen dad wayd ama Caato ah xirsina kefada imisaa ku xagiisa uciirtay waxaan leeyahay hambalyo saaxiib qolyahan kalena waxaan leeyahay alla haydiinka dhigo nabar xaqdaro oo aan quluubtiina dhaawacin” ayuu hadalkiisa ku xidhay Boqor Cismaan Muxumed Aw Buur-madow