Ciidamada Hey’adda Amaanka Somaliya oo xabsiga dhigay Wariyeyaal u shaqeynayay Telefishinka Al Jazeera

Wariye Xamza Mohamed iyo Sawir qaade la socday ayaa la sheegay inay xidheen Ciidamada Nabadsugida, xilli ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho lagu xidhay.

“Waa jirtaa Wariyeyaal ka tirsan Al Jazeeraoo la xidhay, waxaa ku jira Xamza Mohamed, Sawir qaade la socday iyo darawalka gaadhiga, waxaa lagu xidhay duleedka Muqdisho, xilli ay magaalada soo galayeen, wax faah faahin ah kama heyno sababta loo xidhay, waxaa xaqiijineynaa inay xidhan yihiin wariyeyaashaas.ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee NUSOJ.