DAAWO Somaliland Oo Lagu Marti Qaaday Shirka Wadamada Islaamka ee Ka Dhacaaya Dalka Malayzia.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Debeda Somalilnd,Dr Sacad Cali Shire Ayaa Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyay Dalka Malaysi Ee Kual lumpu Waxaana Soo Dhoweynta Ka Qayb Qaatay Ardayda Wax Ka Barata Jaamacadaha Ku Yaal Dalkaas Iyo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Malaysia

U Jeedka Safarka Uu Wasiirku Ku Tagay Dalka Malaysiya Ayaa Ahayd Inuu Ka Qayb Galo Shir Ka Wadamada Islaamka Oo Lagu Soo Marti Qaaday Madaxweynaha Somaliland,Balse Aanu Madaxweynaha Somaliland Ka Qayb Galayn Maadamada Oo Uu Safar Shaqo Ku Joogo Dalka Ingiriiska,Waxaana Shirkan Dawlada Somaliland U Meteli Doona Wasiirka Diinta Iyo Aw-Qaafta Somaliland Shiikh Khaliil Iyo Wasiirka Arimaha Debeda Dr Sacad Cali Shire
Wasiirka Oo Lagaga Hortagay Madaarka Diyaaradaha Ee Kual lumpur international Airpor Ee Dalka Malaysiya Ayaa Si Weyn Uga Mahad Celiyay Soo Dhoweynta Diiran Ee Ay Ku Qaabileen Jaaliyada Somaliland Iyo Ardayda Wax Ka Barata Jaamacada Ku Yaal Dalka,Waxaanu Kala Hadlay Meel Fagaaraha Isaga Oo Faah Faahin Ka Siiyay Safarka Uu Ku Yimi Dalka,Dhanka Kale Wasiirka Ayaa Jaaliyada Warbixin Ka Siiyay Halka Uu Maraayo Dalku,
Si Kastaba Ha Ahaatee Shirkan Oo Maalinta Arbacada Ah Ka Furmi Doona Dalka Malaysia Ayaa La Filayaa In,Wasiirku Ka Jeediyo Khudbad Maadama Oo Uu Ka Wakiil Yahay Dawlada Somaliland Oo Martiqaad Rasmi Ah Ka Heshay Dawlada,Sidoo Kale Waxaa La Filayaa In Wasiirku Kulamo La Qaato,Madaxda Dalkaas Iyo Masuuliyiinta Kasoo Qayb Gala Shirkan Ee Ka Socda Wadamada Islaamka,Si Uu Ugala Hadlo Danaha Somaliland Si Loo Xoojiyo Cilaaqaadka Iyo Xidhiidhka Wadamada Islaamka Ah Iyo Somaliland