Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Filand Axmed Khaliif Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Ka Qayb Galay Xaflad Lagu Daahfurayay Laanta Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Tuku Filand

Munaasabad Sida Loo Soo Qaban Qaabiyay Heerkeedu Aad U Sareeyo Oo LaguXafiiskaXisbul Xaakimka Kulmiye Ee Laanta Turku FilandSidoo Kalena Lagu Soo Dhaweynayay Taageerayaal Ka Soo Digo Rogtay Xisbiyada Mucaaradka.

Munaasibadan Ayaa Waxaa Kasoo Qeyb Galay Taageerayaal Badan Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiyaaha Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Filand Mudane Axmed Khaliif Oo Ka Koobna Xildhibaan Faysal Yuusuf ,Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Filand,Gudoomiyaha Garabka DhalinyaradaXisbiga Kulmiye Laantiisa Filand Maxamed Maxamuud Saleebaan( M.Gaanda)Iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Laantiisa Filand

Munaasabadan Ayaa Bilaabamatay Wakhtigii Loogu Talo Galay Ayaa Waxaa Ugu Horaynba Halkaas Ka Hadlay Odayaasha Magaalada Turku Oo Soo Dhaweeyey Dadkii Goobta Isugu Yimi Iyo Laanta Cusub Ee Xisbiga Kulmiye Ku Yeelan Doono Magaalada Turku.
Waxaa Sidoo Kale Halka Ka Hadlay Suldaan Cawil Hayd Oo Ka Soo Digorogtay Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Muujiyayna Taageerada Xisbiga Kulmiye Kuna Tilmaamay Xisbiga Horumarka.
Waxaa Isna Halka Kalmad Soo Dhaweyn Ah Ka Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Turku Mudane Xariir Axmed Maxamuud Uguna Baaqay Taageeraayaasha Xisbiga Laantiisa Turku In  Ay Dardar Galiyaan Hawsha Xisbiga Hiil Iyo Hoobana Lala Garab Istaago.
Ugu Danbayn Waxaa Shirka Soo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laantiisa Filand Axmed Khaliif Isagoo Cadeeyay In Xisbiga Kulmiye Yahay Mid Sida Cadceeda Muuqda Noqdayna Xisbiga Kaliya Ee Reer Somaliland Isugu Yimaadeen.
Gudoomiyuhu Wuxuu U Mahadceliyay Dhamaan Xubnihii Soo Agaasimay Munasibada Ee Reer Turku Oo Uu Ugu Horeeyo Gudoomiya Laanta Turku Ee Xisbiga Kulmiye Xariir Axmed Wuxuuna Soo Dhaweyay Xubnihii Ku Soo Biiray Isagoo Ku Booriyay In Reer Filand Ay Tartanka Laamaha Xisbiga Ee Qurbaha Sugayo Oo Aan La Is Dhigan
Gabiley.net
Office Gabiley