Gudoomiye Muuse Oo Xilal Cusub Magacaabey

Hargeysa(GNN)  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu magacaabey gudoomiyaha gobalka Maroodi-Jeex ee xisbigaasi, ku xigeenkiisa iyo gudida fulinta xisbiga ee gobalka SalalHalkan Ka Akhri Warqada Lagu Magacabey Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Salal  

 Ref. No: XK/XGX/0042220/2016                                                                                                                        October 24th, 2016

                                                                                                                            

Ku: Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle                                                             = Hargiesa =

Ku: Cawaale Xasan Aadan                                                                                                 = Hargiesa =

Ku: Maxamed Xaamud Cismaan                                                                            = Hargiesa =

Ku: Cali Isaaq Ibraahim                                                                                          = Hargiesa =

Ku: Mako Cilmi Sheer                                                                                             = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE                                                     = Hargiesa =

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer Gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

1- Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle  – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

2-  Cawaale Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

3-  Maxamed Xaamud Cismaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

4-  Cali Isaaq Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

5-  Mako Cilmi Sheer – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

ALLAA MAHAD LEH 

Muuse Biixi Cabdi______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

 

 Halkan Ka Akhri Warqada Lagu Magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Kulmiye iyo Ku Xigeenkiisa

 

Ref. No: XK/XGX/0042219/2016                                                                                                                        October 24th, 2016

 

Ku: Maxamed Iid Dhimbiil                                                                                  = Hargiesa =

Ku: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye                                             = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE                                                     = Hargiesa =

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

 

Kadib markii aan shirar iyo wadatashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

 

1-  Maxamed Iid Dhimbiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.

2-  Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.

 Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii.

 ALLAA MAHAD LEH

 Muuse Biixi Cabdi______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.