Jadwalka Isku Aadka Kooxaha Wareega Labaad Ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo La Shaaciyay.

Hargaysa(GNN)-Hogaanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay isku aadka wareega labaad ee tartanka kubadda cagta ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 oo dhammeystiran

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi, waxaana uu ka war-bixiyey Isku aadka wareega labaad iyo qaabka loo ciyaari doono, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaanu si rasmiya maanta ugu dhawaaqaynaa isku aadka wareega labaad ee tartanka kubadda cagta ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 oo dhammeystiran, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan 8-dii xul gobol ee ka soo


gudbay tartankii isreeb-reebka ee sannadkii hore ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Borama. Siduu qorshuhu yahay waxa uu tartanku qabsoomi doonaa haddii Alle idmo 27-ka bishan, gaar ahaan garoonka Hargeysa Stadium, waxaana loo ciyaari doona laba Group oo midkiiba 4 xul gobol ka kooban, waxaana faah-faahinta iyo qaabka isku aadku yahay ku dhawaaqi doona Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka, ahna ku simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac”.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay kuna dhawaaqay isku aadka iyo qaabka ay u wada ciyaarayaan Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, ahna ku simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac, sidoo kale waxa uu ka war-bixiyey muddada ay ciyaaraha kubadda cagtu soconayaan iyo maalin kasta xulalka wada ciyaaraya, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horeyn, waxaan inta aanan ku dhawaaqin isku aadka aan sheegayaa in tartankani uu yahay dhameysirka isreeb-reebkii sannadkii hore la qabtay, waxaana ciyaaraya 8-dii xul gobol ee tartankaas ka soo gudbay. Qaabka ay iskugu beegmeena goboladu maaha mid cusub ee waa sharcigii tartankaas hore u yaalay”.

“Gobolada ka qeyb-galaya waxaanu u kala qeyb-san yihiin laba Group oo min 4 xul gobol ah, Group-ka koowaad oo ah Group A waxaa ku wada jira Gobolada Xaysimo, Saaxil, Awdal iyo Sanaag. Group-ka labaadna waxaa ku jira Gobolada Sool, Hawd, Gabiley iyo Daad-Madheedh. Heerka koowaad ee Groups-ka gobol walbaa waxa uu ciyaaraya 3-ciyaarood, maalmaha marxalada koowaadna waxaa la ciyaarayaa 12-cisho, waxaana soo gudbaya 4-ta xul gobol ee ugu dhibcaha baddan, Group walbana 2-da gobol ee ugu dhibco baddan ayaa ka soo baxaya. Kulamadda afar dhammaadka (Semi Finalka) waxaa la ciyaaraha 2-cisho, waxaana u gudbaya kulanka Finalka 2-da xul gobol ee soo guuleysta. Kulanka Final-kuna waa hal maalin, guud ahaana waxa uu soconayaa tartankanku bilow ilaa dhammaad 15-cisho oo la ciyaarayo iyo 2-cisho oo Nasasho ah”.

Group A                                                      Group B

Xaysim                                                                      Sool

Saaxil                                                                                  Hawd

Awdal                                                                  Gabiley

Sanaag                                                                Daad-Madheedh

Isku Aadka Wareega Groups-ka:

No

Group

Gobolada Ciyaaraya

Taariikh

Maalinta

Wakhtiga

1

Group A

Xaysimo vs Saaxil

27. Oct.

Khamiis 3:30pm 2 Group
A Awdal vs Sanaag 28. Oct. Jimce 3:30pm 3    Sool vs Hawd  29. Oct.
Sabti  3:30pm 4 Group B Gabiley vs Daad-Madheedh 30. Oct. Axad 3:30pm

5 Group A Xaysimo vs Sanaag 31. Oct. Isniin  3:30pm

6 Group A

Awdal vs Saaxil

01. Nov.

Salaasa

3:30pm

7

Group B

Sool vs Daad-Madheedhe

02. Nov.

Arbaca

3:30pm

8

Group B

Gabiley vs Hawd

03. Nov.

Khamiis

3:30pm

9

Group A

Xaysimo vs Awdal

04. Nov.

Jimce

3:30pm

10

Group A

Saaxil vs Sanaag

05. Nov.

Sabti

3:30pm

11

Group B

Sool vs Gabiley

06. Nov.

Axad

3:30pm

12

Group B

Hawd vs Daad-Madheedh

07. Nov.

Isniin

3:30pm

Nasasho

08. Nov.

Salaasa

Kulamadda Afar Dhammaadka – (Semi Final)

No

Guuleystayaha Soo Gudbay

Taariikh

Maalinta

Wakhtiga

13

Group A1 vs Group B2

09. November

Arbaca

3:15pm

14

Group B1 vs Group A2

10. November

Khamiis

3:15pm

Nasasho

11. November

Jimce

Kulanka Dhammaadka – (Final)

15

Guuleyste vs Guuleyste

12. November

Sabti

3:00pm

 

Log1