Ma Qarsoomi Karaan Guulaha Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Arimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire Usoo Hooyeen Qaranka Somaliland.

RUN IYO RAAD RAAC

Wasiir Samaha Nagu Daajiyoo Daacad Ku Hogaansha

Rag daneeya baahida dadkoo danaha guud eega

Rag daryeela Maatida dadkoo dayrin noloshooda

Daldaloolka rag naga awdayoo naga daboolaaya

Dabo socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Dakhligiyo cashuuraha ragaa nagu daryeelaaya

Duunyada kuwaa raacayee duurka badi jooga

Rag duleedka dooxyada u mara dhaamam uga dayra

Talo dalable rag aan nagu dayayn dabina noo qoolin

Darifyada rag wada gaadhayoo dacal seegaynin   

Ducadooda rag uu eebahay deeqo nagu siiyo

Gabaygii Daljir 27/10/2015 Qalinkii Iyo Erayadii Abwaan Sacad XMaxamuud Gadhle Hargaysa S/land   

Mudo Sannad ah ayaa laga joogaa Maalinta ku beegan  27/10/2015 ee Wasiiradii iyo Masuuliyiintii ugu tirada badnaa mar iska wada Casileen Xillalkii ay Qaranka u hayeen iyadoo Wasiiradaa iyo Masuuliyiintaa iscasiley ay hormood u ahaayeen Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Maxamad Biixi Yoonis waxaana xusid gaara mudan Go”aankii Xeel dheerida iyo Waayo aragnimada Siyaasadeed ka muuqatay ee Madaxwayne Siiraanyo ka qaatay iscasilaadii Wasiirada iyadoo si dhakhso  ah ugu soo magacaabay Wasaaradii Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  halka Wasiirkii Arimaha Dibada u soo magacaabay DR Sacad Cali Shire Labada Masuul oo Shantii Sanno ee Xukuumada Madaxwayne Siiraayo jirtayba  Laf dhabar u ahaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyadoo sida Cadceeda u muuqdaan in Labada Wasiir Guulo horleh ay u soo hooyeen Qaranka S/land sidoo kale  Labada Wasiir oo si wada jir ah Qaranka ugu shaqeeya isla markaana  Safarada Dibada isku raaca ayaa Dardar galin Xoogan  iyo Horomar la taaban karo ku sameeyay mudo Sannad ah dhamaan xidhiidhadii Jamhuuriyada S/land la lahayd Beesha Caalamka  .  

Inkasta oo ay jiraan Siyaasiyiin u tafo xaytay  in ay shaasheeyaan guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada kooxdan oo isku daygoodu yahay in ay  shaki ku abuuraan shacabka S/land  kana hor keenaan Xukuumada Kulmiye , anigoo  daaha ka qaadi doona Xeeladaha Mucaaradka Aragtida gaaban  iyo Siyaasiyiinta xisbi laawaha ah ee fikir siyaasiyana  la wadaagin xisbiyada siyaasada Mucaarid iyo Muxaafidba , Inkasta oo Siyaasiinta Gooni socodka ahi ay waqtiyo kala duwan iyo marxalado nololeed oo kala duwan soo wada shaqeeyeen  ilaa maalmihii halganka  hadana Sooyaalkooda Siyaasadeed waxuu ka marag kacayaa  in aanay waligood Jaanta iyo Jiibta isla helin isla markaana ku guul daraysteen in ay fikirkooga mideeyaan , Siyaasiyiintan Afartii Xukuumadood ee dalka soo maray  midna  aanay ka nabad galin, Waa Siyaasiyiin  hadalkooda iyo weedhaha  ka soo burqanayaa  ay ka marag kacayso in ayna dalka iyo dadka midna u tudhin  waxayna  caan ku yihiin Ceebaynta iyo  Dhaliisha Madaxwaynayaasha . 

Hadiise  aan u soo noqdo dulucda maqaalkayga Mudo  Shan Sanno ah ayaa laga joogaa waqtigii Madaxwayne Siiraanyo seeska u dhigay Siyaasad furfuran oo xeel dheeri iyo waayo aragnimo siyaasadeed ka muuqato siyaasad la jaan qaadaysa dubolamaasiyada beesha caalamka ee Waqtigan isagoo Madaxwayne Siiraanyo  wada tashi balaadhan kala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Madax Dhaqmeedka, Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada oo markaa la furay, Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada ,Aqoonyahanka  iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada S/land iyadoo ugu danbaystiina   uu ogolaansho sharciya ka helay Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada waxaana hubaala in ay bulshada waynta S/land talaabo talaabo ula socdeen dhacdooyinkaa kor  ku soo xusay .

Inkastoo Mucaaradka aragtida gaaban iyo Siyaasiyiinta gooni socodka ahi ee xisibi laawaha ahi u tafo xayteen in ay shaasheeyaan Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay  geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada isla markaana Shaki ku abuuraan Shacabka S/land  iyagoo isku dayaya in ay iska horkeenaan Shacabka S/land iyo Xukuumada  si ay caqabad ugu dhigaan Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land.

Taariikhdu waxay ka marag kacaysaa  Shacabkuna   ka dharagsan yahay in Siyaasiyiintani waqtigaa wada hadalada S/land iyo Soomaaliya  la furayay  ay ka mid ahaayeen Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay raalina ka ahaayeen Geedi Socodka  Siyaasada Arimaha Dibada S/land .

 Guulaha  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land waxaa ka mid ah .

1: Shirkii lagu qabtay Dalka Ingiriiska 22/2/2012 Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Shan iyo Konton Dawladood oo Beesha Caalamka ka mida Shirkan oo marti qaad rasmiya ay ka heshay Xukuumada S/land  iyadoo Wafti Madaxwayne Siiraanyo horkacayaa ka qayb galeen isagoo Madaxwaynuhu Cod dheer ku gaadhsiiyay Qadiyada Madax Banaanida S/land dhamaan Madaxdii Shan iyo Konton Dawladood  ee ka soo qayb gashay shirkaa ka dhacay Magaalada London waxaana  xusid mudan in Madaxwaynihii Siiraanyo  noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee Darajadaa gaadhsiiya Qaranimada S/land. 

2 : Mar kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee  Xukuumadiisu Aaasaasto ama Yagleesho  Sanduuqa Horomarinta S/land {SDF} oo Deeqo Gargaara toos ahi ay ku soo dhacaan  waxayna marag cad u tahay Guulaha Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo ka soo hooysay Siyaasada Arimaha Dibada waxaana hubaala  in ay Dawladaha Hore u maray ee Deeqda bixiyaa kalsooni ku qabaan qaab xisaabeedka Dawladnimo ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo. 

3 : Madaxwayne Siiraanyo ayaa noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee  Beesha Caalamka u xaqiijay Madax Banaanida Jamhuuriyada  S/land isagoo Caalamka tusay in Laba Dal oo  Midoobay aynu ahayn  Lixdankii Koonfurta Soomaaliya   ka dib markii Wada hadalo toosa uu la yeeshay  S/land Soomaaliya iyadoo is hor fadhiisteen Laba Madaxwayne oo Maxmiyadii Ingiriiska iyo Maxmiyadii Talyaaniga kala ah iyadoo qodobo muhiima ku hor saxeexeen Madaxda Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga .

4; In kasta oo Dadaalo Waayo Aragnimo Siyaasadeed iyo Xeel Dheeri ka muuqato  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo u gashay in ay Xaqiijiso Aqoonsi Beesha Caalmka ay ka hesho Jamhuuriyada S/land walina ay sii laban laabayso dadaalkeedii hore  waxaa sida dayax shan iyo tobnaadka u muuqata in Madaxwayne Siiraanyo ku guulaystay in uu u soo jeediyo Kanbaniyada ugu Waawayn  Caalamka in ay Maal gashadaaan Dakada Barbera oo lagu tilmaami karo Aqoonsi Beesha Caalamka S/land ka heshay.  

 Ugu danbayn waxaan Bulsho Waynta S/land ku Guubaabinayaa in ayna dhag u dhigin hadalada ka soo yeedhaya  Siyaasiyiin  gooni socodkaa  oo Xisbi laawe ah iyo Mucaaridka aragtida gaaban ee Mansabka iyo Kursi jacaylku madax maray  waxaana hubaala in ay ku  guul daraysan doonaan in ay  marin habaabiyaan  Shacabka Horomarka iyo Ictiraafku u muuqdo iyadoo hadaladan bilaa tudhaasha ah  ee siyaasiinta gooni socodka ahi uu noqon doonaan  hal bacaad lagu  lisay .

Qalinkii  Iyo Erayadii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle  Hargaysa S/land