QUDBAD DHINACYO BADAN TAABANAYSAY OO UU GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE EE DALKA FILAND KA JEEDIYAY DAAH FURAYAY LAANTII 3AAD EE XUSBIGU KU YEESHO DALKAASI

Qudab dhinacyo badan taabanaysay oo ay ka muuqato xeeldheeri siyaasiya oo uu Gudoomiyaha Xisbiga Kumiye ee dalka  Finland ka jeediyay munaasibad lagu daah furayay laantii 3aad ee xusbiga kulmiye ku yeesho dalkaas ayaa Gudoomiye axmed khaliif ku soo qaatay qudbadaas isbarbar dhig uu ku samaynayo musharaxa xisbiga wadani   Cirro iyo musharaxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi.
waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka hadlay afhayeenkii hore ee madaxwaynaha Dhuxul oo uu sheegay in sidii mula cumar uu dhuumaalaysi la wareegayo
 Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland Ahmed Khaliif ayaa mar uu kahadlayay Xaflada lagu daahfurayay laan cusub ee Xisbigaasi kafurtay Gobolka Turku Finland waxa hadladiisii kamid ahaa, Marka hore waxan idiinka mahadcelinayaa xafladda quruxda badan eed inoo soo qabanqaabiseen iyo daahfurkan Laanta cusuba hadaa tihiin reer Turku waxad muujiseen karti iyo hufnaan waanan idinku hambalyaynayaa idinka iyo Gudoomiyihiinaba , walalayaal waxaan inbadan meelaha warbaahinta qaar ku arkayay dad si gaaban u fekeraya oo aad moodo inay wax usheegayaan dad shalay dhashay oon Waxba ka ogayn taariikhda Dalkeenu leeyahay miyaa maanta laina Bari karaa taas? Maanta Musharaxiinta tartmaya Waynu shirabaynaa mid walba taariikhdiisa ayaynu eegaynaa wax qabadkiisa ayaynu eegaynaa kaalinta oo dib idhiska iyo xorayntii Dalkan kaga jiray ayaynu eegaynaa laisku dhuuman maayo. Walalayaal markii dhibaatada ugu adagi kataagnayd Somaliland ee dadkeena cadaadiska iyo dhibka lagu hayay 80aadkii Muuse Biixi wuxuu joogay Maraykan oo Dalka maanta Dunida ugu weyn ah wuu iska noolaan karayay, shaqaysan karayay, hawlihiiisa shakhsiga ah iyo dantiisa qabsan karayay taas muu yeelin wuu siin waayay Damiirkiisu waxaanu noloshaa kadoorbiday inuu duuurka inala galo oo dadkiisa iyo dalkiisa naftiisa u huro Sidii uu uga xorayn lahaa cadawgii gumaadayay, Cabdiraxmaan carana wakhtigaa wuxuu joogay Xamar oo Siyaad barre ushaqaynayay waliba waxa loo bedelay oo u dhoofay Dalkii laisku odhan jiray midawga soofiyeet Mosco ayuu ushaqo tagay, maalmihii ugu darnaa ee dadkeena la gumaadayay ee magaalooyinkeenu holcayeen, madfaca iyo diyaaradda lainagu garaacayay wuxuu ku raaxaysanayay oo ku qanacsanaa inuu kursi wareegaya ku fadhiyo iyo Xafiis qurux badan ee safaarada Somaliya kulahayd Mosco isagoo waliba xiliyadaa ladakacsiiyay, Maalin kalmad Dalka umuu odhan Wakaas cabdiraxmaan Cirro walaalayaal, Waxba kufogaan mayno qabiil wax lagu Heli maayo ayaanu leenahay ee Dalka nin walba wuxuu gashaday ayuu kamaalayaa maanta. Waxan meelahaa isna kamqlaa Afhayeenkii hore ee Mafaxweynaha Mr Dhuxul oo kolba Clip yar oo cod ah oo lagu duubay lasoo dhigo warbaahinta isagoo caytamaya Muuqiisa lama arko sidii Cumar Mullahii Afkaanistaan, waar bal horta yaa og halkuu kusuganyahay Dhuxulow intaanaan kuu jawaabin bal horta inad caafimaad qabto iyo inay runtahay waxa lasheegayaa kaalay shaashadaha halagu arkee.
Gabiley.net
Office Gabiley