Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland oo xaflad soo dhaweyn iyo is xogwarysi loogu sameeyey galbeed magaalada London + Sawiro

London 1st September 2016, Wasiirka  Wasaarada Qorshaynta qaranka Mud. Cali Ismaaciil Jirde,  ayaa xaflad ballaadhan oo iskugu jirta so dhaweyn iyo is xogwarysi luugu sameeyey galbeed magaalada London.

 
img_1461
Xafladaa oo ka soo qeyb galeen wax garad, aqoon yahanka, cuqaasha, dhalinyarada iyo dumarka ka soo jeeda konfurta gobalka maroodi jeex, gobolka Hawd, Saxil iyo togdheer.
 
img_1457Ugu horeyn waxaa madasha ka Hadley aqoon yahanka iyo wax garadka xaflada ka soo qeyb galey iyago hambal iyo soo dhaween u soo jeeday wasiirka qorsheynta Somaliland Mud. Cali Ismaaciil Jirde.
 
Kadib hadalada so dhawenta ah waxaa hadal kii qaatey Wasiirka  Wasaarada Qorshaynta qaranka Mud. Cali Ismaaciil Jirde, wuxuu aad ugu mahad celiyey dadkii xaflada ka soo qeyb galey sida fiican ee sharafta leh ee ay u maamuuseen una soo dhaweeyeen.
Mudane Cali Ismacil Jirde, wuxuu si qotadheer uga waramay wax qabadka dawlada Somaliland iyo xaalada guud ee Somaliland, waxa kale u tusaaleeyey kuna dheerigeliyey in qurbo Joogta Somaliland ka qeyb qaataan hormarka wadanka gaar ahaan deeganada ay ka soo jeedaan sida waxbarashada, dhisida iskuulada, caafimaadka, wadooyinka iyo biyaha.
Wuxuu ku dheeri geliyey inay dadaal badan la yimaadan dadkooda iyo wadankuba u baahan yahay. Dawalada Somaliland marwalba soo dhaweynayo cidii wax qabad iyo hor u mar u keeneysa wadanka.
 
img_1449Xafladaas oo si qurux badan waxay ku soo dhamaatey jawi aad iyo aad u wanaagsan.