Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Masuul Cusub U Magacaabay Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Somaliya(UNSOS)

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-Moon ayaa masuul cusub u magacaabay xafiiska taageerada qaramada midoobay ee Somaliya ee loo yaqaano UNSOS.

Xoghayaha qaramada midoobay ayaa xafiiska UNSOS madax uga dhigay Col. Hubert Price oo hore uga mid ah ahaa ciidamada dalka maraykanka, waxaanu hore uga soo shaqeeyey xafiiska hawl galka taageerada ay qaramada midoobay siiso dalka Liberia mudadii u dhaxaysay 2010-kii-2015-kii, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey hawl galka qaramada midoobay ee dalka Ivory Coast ee loo yaqaano UNOC, waxa kale oo uu soo noqday madaxa hawl galka taageerada qaramada midoobay ee East Timor UNMISET.