“Bandhigii Cristiano Ronaldo” – Sida Ay Saxaafada Uga Hadashay Kulankii Madrid Derby Ee Xalayto.

Seddexleey uu dhaliyay Cristiano Ronaldo xalayto ayaa ka saaciday kooxda Real Madrid inay 3-0 ku dardaraan kooxda deriskooda ah ee Atletico Madrid kulankii ugu danbeeyay ee Madrid derby ee lagu ciyaaro garoonka Vicente Calderon.

Hadaba waxaan eegeynaa waxyaabihii ay ka yiraahdeen qaar ka mid ah saxaafada dunida kulankii xalayto.

Olé (Argentina) – ‘Cristiano oo sii wada inuu taariikh sameeyo’

Boqorka Madrid: Seddex gool oo aan jawaab laheyn, Real ayaa 3-0 kaga badisay kooxda Simeone ee Atleti ee kulanka El Clasico-da Madrid. Seddexleydii uu dhaliyay Cristiano waxa uu kala wareegay Di Stefano gooldhalinta ugu sareysa abid ee taariikhda Madrid Derby.

Waxaa intaas sii dheer, sideed gool oo La Liga ah ayuu haatan leeyahay waxaana uu durbaba soo qabtay Messi iyo Suarez. Alla muxuu bahal yahay. Inkastoo xilli ciyaareed adag ay u aheyd, Cristiano waxa uu sii wadaa inuu taariikh sameeyo. Qaab ciyaareedkaan uu soo bandhigay waxa ay xiddiga Portugal ka dhigeysaa mid ku sii dhawaanaya hanashada Ballon d’Or.

1479630227_450554_1479631201_noticia_normal

Maalin ay dad badan filayeen in Barcelona ay hogaanka horyaalka kala wareegto Real taas bedelkeeda wiilasha Zinedine Zidan waxa ay sii dheereysteen hogaankooda iyagoo kooxda Catalans ka sareeya afar dhibcood.

Awood la’aantii Barcelona ay kaga badin weysay 10 ciyaaryahan oo Malaga ah ayaa xaqiijisay in Real ay baaqi ku sii ahaaneyso hogaanka horyaalka si kasta oo ay noqon laheyd natiijada Calderon, laakiin waa ay ismuujiyeen waxaana ay la soo wareegeen seddexdii dhibcood ee ugu cajaa’ibsaneyd 29ka kulan ee aan haatan laga badinin. Waxaa intaas sii dheer waxa ay tartanka horyaalka ka saareen Atletico iyadoo kooxda kale ee caasimada Spain ka dhisan ay sagaal dhibcood ka danbeeyaan ka dib guuldaradii 3aad ee afar kulan gudahood soo gaartay.