Chris Smalling Oo Muddo Bil Ka Maqnaanaya Man United Ka Dib Jab Ka Soo Gaaray Suulka Lugta.

Chris Smalling ayaan  ciyaari doonin ilaa iyo dhamaadka sannadkaan ka dib markii uu ka jabay suulka lugta.

Daafaca Manchester United ayaa seegay kulankii ay isbuucii hore ka badiyeen Swansea, waxaana uu haatan maqnaanayaa ugu yaraan muddo bil ah.

Arintaan ayaa soo shaac baxeysa ka dib markii uu Jose Mourinho ku eedeeyay ciyaaryahanka inuu diiday inuu xanuun ku dheelo.

chelsea-v-manchester-united-premier-league

 Macalinka reer Portugal ayaa yiri: “Smalling ma doonayo inuu ku ciyaari karo xanuun.”

Sida ay sheegeyso Daily Mail, Mourinho ayaa weydiistay Smalling inuu labo cirbadood oo xanuun baabi’iye ah isku duro si uu u ciyaaro kulankii ay guuldarada 4-0 ka soo gaartay Chelsea bishii hore. Mana uusan ciyaarin tan iyo markaas.

Smalling ayaa haatan seegi kara todobo kulan oo ay ku jirto kulamada horyaalka ee Arsenal iyo Totteham.

United ayaa waxaa sidoo kale dhaawac uga maqan haatan daafaca dhexe Eric Bailly inkastoo Phil Jones uu soo laabtay.