Ciidamada DR Congo oo ka hortagay dibad bax ay mucaaradka qorsheeyeen

Congo (BGM)Booliska Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo waxa uu hor istaagay isu soo bax ay qorsheeyeen mucaaradka oo ka dhici lahaa caasimadda Kinshasa.

ciden

Isu soo baxa ayaa la qorsheeyay ka dib markii madaxweynaha, Joseph Kabila, uu ku dhawaaqay bishan horraanteedii in doorashada dib loo dhigay.

Jidadka waaweyn ayaa la xiray, waxaa kaloo ciidamo la geeyay jidadka gala guriga hogaamiyaha mucaaradka, Etienne Tshisekedi.

Magaalada dhanka koofurta-bariga ku taalla ee Lubumbashi, waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada amniga ay xireen 17 qof oo u ololeyneysay mucaaradka.

Sida dastuurka dalkaasi DR Congo uu dhigayo, Madaxweyne Kabila waxaa laga doonayaa in bartamaha bisha December uu xilka wareejiyo, doorashadana la qabto.

Laakiin, wuu sii hayn karaa xilka illaa bisha April ee 2018-ka, taas oo ka dhalatay heshiis uu qaar ka mid ah mucaaradka la galay oo ah in awoodda dowladda la qeybsado.

sourec BBC