Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Goal 50 Ee Xiddiga Sannadka Adduunka & 10ka Xiddig Ee Ugu Sareeya Dunida Oo La Soo Saaray.

Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa soo saartay 10ka xiddig ee ugu sareeya qiimeyntooda 50ka xiddig ee ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii hore dunida, iyagoo magacaabay xiddiga kaalinta koowaad ee ay u aqoonsadeen sannadkaan inuu yahay xiddiga ugu fiican dunida.

Liiska 50ka ciyaaryahan oo ay maalmihii u danbeysay in 10 ciyaartoy u soo bandhigayeen ayay maanta Goal soo bandhigeen 10kii ugu danbeeyay ahna 10ka xiddig ee ay ku qiimeeyeen inay yihiin kuwa ugu fiican haatan caalamka waxaana ku jira xiddigo sida Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Zlatan Ibrahimovic.

Tifaftirayaasha iyo warariyayaasha 38 bog ee luqadaha kala duwan ee shabakada Goal ayaana u codeeyay abaalmarintaan iyadoo ciyaaryahan walba lagu qiimeeyay sida joogtada ah ee uu qaab ciyaareed wanaagsan u soo bandhigayay sannadkii la soo dhaafay iyo waliba guulihii uu la gaaray koox iyo qaranba.

cristiano-ronaldo-real-madrid-goal-50_14pl55am3qhjk1pof46i4ukgjb

Xiddiga Sannadka Adduunka ee Goal 50 waxaa sannadkaan 2016 ku guuleystay Cristiano Ronaldo kaasoo kaalinta 1aad ka soo galay abaalmarinta Goal 50 ee ay shabadaan bixiso sannad walba. Xiddiga Real Madrid oo sidoo kale u cadcad hanashada Ballon d’Or iyo Xiddiga Sannadka Adduunka ee FIFA ayaana mar kale hantay abaalmarintaan isagoo xilli ciyaareedkii hore dhaliyay in ka badan 50 goolal islamarkaana ku guuleystay koobka Euro 2016 iyo Champions League.

Waxaa kaalinta labaad soo galay xiddiga Barcelona iyo Xulka Uruguay Luis Suarez, halka xiddiga Atletico Madrid iyo France Antoine Griezmann uu dhameystiray seddexda xiddig ee ugu sareysa abaalmarinta Goal 50.

Lionel Messi ayaa kaalinta 4aad soo galay, halka kaalinta 5aad uu ku jiro Gareth Bale.

cristiano-ronaldo-real-madrid-goal-50_12j9j6zapn5vu1v5peu1547od0cristiano-ronaldo-real-madrid-goal-50_klre2a9n4r2s148nwbs881kx4

10ka Xiddig Ee Ugu Sareeya Abaalmarinta Goal 50:

1 – Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

2 – Luis Suarez (Barcelona)

 3 – Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

4 – Lionel Messi (Barcelona)

5 – Gareth Bale (Real Madrid)

6 – Neymar (Barcelona)

7 – Riyad Mahrez (Leicester City)

8 – Robert Lewandowski (Bayern Munich)

9 – Gonzalo Higuain (Juventus)

10 – Zlatan Ibrahimovic (Man United)

“Sharaf ayay ii tahay inaan ku guuleysto abaalmarintaan mar kale” ayuu Ronaldo u sheegay Goal isagoo abaalmarinta ku gudoomayay Madrid.

“Abaalmarintaan waxaan u hadiyeeyay dhamaan asxaabteyda Madrid iyo xulka qaranka. Aad ayaan u faraxsanahay.

“Hami la’aan cidna waxba ma gaarto, dadaal shaqsiyadeed iyo asxaab ku taageereysa maalin walba. Taas ayaana ugu muhimsan.