Daawo Muuqalka Xaalada Dhabta Ah Ee Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Ka Soo Hayaamay Abaaraha Bariga Ee Soo Gaadhaya Gabiley + Maayarka Gabiley Oo Gurmad Gaadhsiyay Dadkasi

Gabiley(GNN)Daawo Muuqalka Xaalada Dhabta Ah Ee Dadka Ka Soo Hayaamay Abaaraha Bariga Ee Soo Gaadhaya Gabiley + Maayarka Degmada Gabiley islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay wehelinayaan Maamulka Gobolka Gabiley ayaa ku qaabiley Dadka iyo Xoolaha kasoo hayaamay Abaaraha ka taagan Gobolada Bari ee Dalka Qorshe dib udajin iyo taakulo dad iyo duunyaba lagaga xadhaadhinayo diifta abaarta ba,an ee saamaysay

Waxanu Maayar Maxamed Amiiin Iyo maamulku Ku Talaabsaday Sii Uu Dib U Dajin Ugu Samayn Lahaa Xoolaha iyo dadka islamarkaana,Bustayaal,Caw,Baco, cuno iyo daawo ay la gaadheen dadka kasoo hayaamey Abaarta.

kkkkkkkkk-1

Qeybo badan oo kamid ah dadkan kasoo hayaamay abaarta Gobolada Bari saamaysay oo deegaanadoodii lagaga soo daad gureeyay baabuurta waaweyn ee Xamuulka ah ayaa Maayarka Gabiley iyo Xubnaha Maamulka Gobolku dajiyeen Deegaanada Katirsan Gobolka Gabiley ee ay daruurihii u dambeeyay ka da,een sida Deegaanka Nabadiid Banka Wajaale,Ilkaweyne,Idhanka-jufaad,iyo Deegaano kala oo badan islamarkaaana, leh xaab iyo bur qoyan oo xooluhu kaga soo doogayaan diifta abaarta gaar ahaana adhiga oo ay ubadan yihiin xoolaha ay wataan dadka abaartu soo hayaamisey waxaanay Maayarka iyo Maamulka Gobolku kaalmo usiiyeen dadkan Bustayaasha, Cawda,Bacaha iyo waliba cuno iyo daawooyin caruurta haweenka iyo dadka waaweynba lala gaadhey qorshahan oo qeyb ka ahaa baaq abaareed oo Maamulka Gabiley kaga jawaabayeen caws Gobolka Togdheer soo gaadhsiiyay xiligii abaarta ayaa ah mid siweyn loo agaasimay oo waxtar u yeeshay dadka xoolo dhaqatada ah oo kasoo hayaamey Deegaano aad u fogfog oo ka kala tirsan Gobolada Saraar iyo Togdheer iyo Deegaanada ka sokeeya ee Daadmadheedh iyo Hawd intaba, iyadoo Maayarku talaabadan u qorsheeyay Qarash fara badan oo qeyb ka ah Dakhliga D/hoose ee Degmada Gabiley.

14963139_1159509770810992_3597305242076850653_n

 

kkkkkkkkk Guud ahaanba dadka kasoo hayaamay, abaarta oo iyaguna ka dareen celiyay gacan qabashada ay sameeyeen Maamulka iyo Bulshada Gabiley Xukuumad iyo Shacbiba  iyagoo sigaar ah ugu mahad celiyay Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay sheegeen in uu wakhti badan la joogo kasoo bilow  lixda subaxnimo ilaa laba iyo tobanka habeenimo.

14993461_1159506404144662_3278357311508250300_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Maanta waxaan leeyahey shacbiga Reer Gabiley ee Deegaanadan sidaa aad ugu naxariisateen ee aad u qaabisheen walaalihiinaa abaarta ba,ani ka keentey Deegaanadoodii Goboladeena Bari ayaa illaahayna idinka idiinku naxariisanayaa Maamulka Wajale ilaa Maamulada Degmooyinka Gobolka arintaa way wadaan anakuna ilaa iyo intaanu gaadhi kareyno Deegaan kasta waxaa naga go,an in aanu dadka Bustayaal,Caw, hu, cuno, baco ay ka sameystaan guryo ku meel gaadh ah iyo daawaba la gaadhno dadkeenii abaartu ku dhacdey ee Gobolada Bari maanta Galbeed ayay yimaadeen bahda Caafimaadku waa inay qorshaha ku darsadaan Wasaarada Xanaanada Xoolahana baaq ayaanu gaadhsiinaynaa xoolaha abaar kaliyi ma haysee xanuun ayaa jira oo wey dhimanayaan xooluhu waa in loosoo diraa Kooxo Wasaarada katirsan si loo badbaadiyo intaa yare e usoo hadhey iyo xoolahaa ay u yimaadeen labadaba”Ayuu yidhi Maayarka Gabiley.

Talaabadan ayaa ah mid ay Shacbiga Reer Gabiley kusoo dhaweeyeen Maayarka iyo Maamulka Gobolkaba labadaba.

Gabiley.net

Office Gabiley