Deigo Costa Oo Dhaawac Looga Saaray Xulka Spain Isagoo Seegaya Kulamada England & Macedonia.

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa dhaawac looga saaray xulka Spain ee Talaadada la ciyaaraya xulka England.

Spain ayaa bedelka Costa waxa ay u yeeratay weeraryahankii hor eee Liverpool Iago Aspas iyadoo Costa uu sidoo kale seegayo kulanka Sabtida ee Isreebreebka Koobka Adduunka ay la ciyaarayaan xulka Macedonia.

diego-costa-spain-football_3780256

Warbixin ay soo saartay Spain ayaa lagu sheegay in Costa uu tagay Madrid horaantii isbuucaan si uu xulka ugu biiro, waxaana uu durbadiiba maray baaritaano caafimaad si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaciisa, laakiin kama uusan qeyb qaadanin tababarkii xulka ee shalayto.

Costa ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ugu jira Chelsea xilli ciyaareedkan isagoo gooldhalinta Premier League ku hogaaminaya sagaal gool, waxaana uu sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii ugu danbeeyay ee Isreebreebka Koobka Adduunka ee ay Spain 2-0 kaga badisay Albania.

Chelsea ayaa waxaa u soo socda kulamo adag horyaalka Premier League iyadoo 20ka November la ciyaaraya Middlesbrough, ka dib waxa ay la dheelayaan Tottenham, waxaa ugu sii xigta kulan ay u safrayaan kooxda Pep Guardiola ee Manchester City.