Gabo-Gabada Koobka Ciyaaraha Gobolada, Labada Xul Ee Isku Soo Hadhay, iyo Wakhtiga Ay Dhicidoonto Ciyaarta Finalka ee Lagu Khatimayo.

Hargeisa(GNN):-Maanta Oo Ay Khamiis Ahayd Waxaa Fooda Is daray Ciyaartii Ugu danbeysay ee labada kooxood Gobolada Saaxil Iyo Daad-Madheedh Ciyaar aad u qurux badan oo labada kooxoodba soo bandhigeen waxaa haafkii hore ee ciyaarta iyo kii danbeba ay ku dhamaatay iyada oo aan wax goolal ah layska dhalin, balse, rikoodhayaal loo dhigay ciyaarta ayaa waxa guushu ku raacday xulka gobolka Saaxil, oo ay hore u sugayso Xulka Gobolka Awdal oo Iyana Maalintii Shalay Rikoodhayaal noocan oo kale Ah kagaga Soo Badiyey Dhigooda Gobolka Gabiley,  Hadaba Labada Gobol ee yimid Finalka Ciyaarta ayaa Labadooduba yihiin Laba Xul oo Runtii Dedaal Adag ugu Jira Sidii Ay Mid Kastaaba dhinaceed ugu Guulaysan lahayd Koobka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Sidaan Guushu Ku Raacdo, Walow Aan la Saadaalin karin Labadan Xul Midka Ku Guulaysdoonta Koobka,

 saaxil1 1464

Ciyaarta Kama danbeysta Ah ee Dhicidoonta Maalinta Sabtida ee Bishu Tahay 12/11/2016 Kana dhacaysa Hargeisa Studium Ayaa La Filankaraa Xiisaha Iyo Xamaasada Ay Yeelan doonto,

Dhinaca Kale Waxaa Labadii cisho ee u Danbeeyey aad Moodaa in Culays Baaxad Leh Ciidamada Somaliland Saareen Dhinaca Amniga ee Garoonka, Waxaanad Moodaa in Ciidmo gaara oo Loo Carbiyey Sidii ay uga Gaashaaman Lahaayeen Haddiiba wax rabshad ahi ka dhacaan garoonka xiliciyaareedka heegan adag ugu jira,

 

Gabagabada Kooban Ayaa La Odhankaraa Haddii eebe kusoo dhammeeyo ciyaarta u danbeysay Nabad galyo Iyo Ciyaar  Wanaag Mid Guulwayn Usoo Hoynaysa Cidkasta oo Ku Hawlanayd Qorshaynta Qabashada iyo hirgalinta Tartankan oo Aan Ahayn Mid Hawshiisu Yar Tahay,

Waxaa Sidoo Kale Bilado Ciyaar wanaag Iyo Akhlaaq Wanaag Ku Mutaysan Doona Qaar kamida xulalka gobolada oo iyagu lagu qiimeyn karo inay soo bandhigeen Ciyaaro La Odhan Karo Waxay Ahaayeen Kuwo Xusid Gaara Mudan,

Kala Soco Ciyaaraha Gobolada Shabakada Gabiley news Network

Hargeisa Somaliland

Axmed Osman Almis.

Contactgabileynews@gmail.com