Gudoomiye Cirro Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Saaka Salaadii Roob Doonta Ahayd La Tukaday Shacabka Magaalada Hargeysa+Sawiro

Shacabka magaalada hargeysa ayaa waxay  saaka iskugu soo baxeen salaad roob doon ah oo ay Alle ku baryayaan kuna waydiisanayaan in uu raxmaadkiisa u shubo dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland.

Salaadan Roob-doonta ah oo ahayd mid laga oogayey guud ahaan dalka, ayaa Garoonka Hargeysa Stadium, waxa soo buux dhaafiyey boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa iyaga oo ay salaadaas la tukanaayeen shacabka qaar ka mid ah madaxda Qaranka oo isla markaana ay kamid yihiin  guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil, xubno ka mid ah wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Culimo-uwddiin, iyo Madaxdhaqameed.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Sheekh Cabdillaahi Axmed oo tujiyey salaadii Roob-doonta ahayd fagaarihii dadku iskugy soo baxeena ka hadlay, ayaa Alle ka baryey in uu Raxmaadkiisa u shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu hayaan, waxaana uu u soo jeediyey dhammaanba umadda reer Somaliland in ay is wada saamaxaan oo mid ba midka kale uu raali-geliyo si uu Alle ugu soo naxariisto.

Sidoo kalena wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kaste oo alle ka cadhaysiinaya isla markaana ay iska qabtaan xumaha si uu alle naxariistiisa inoogu laban laabo.

Musharaxx Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wasiiradii shacabka la tukaday ayaa iyaguna dhankooda waxa ay  si naxariiste leh Eebe uga baryeen in uu u soo naxariisto umaddiisa Islaamka ah, isla mar ahaantaana uu Raxmaadkiisa uu u soo shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu saameeyeen, iyaga oo dhanka kalena umaddii saaka iskugu soo baxday tukashada salaada ka codsaday in ay badiyaan isla markaana laban laabaan ducada iyo Alle bariga iyo cabsida eebe si alle uu inoogu naxariisto shacabka abaaraha la tabaalaysana uu raxmaadkiisa ugu shubo.

Gabagabadiina salaadan roob doonta ah ayaa waxa saaka laga tukaday dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

1 2 3 4 6 7 8 9 10 11
Log1