Hordhac: Brazil v Argentina, Neymar v Messi – Maxaa Kala Heysta Caawa Xulalka Ku Xafiiltama Qaarada Latin America?

Xiddiga Barcelona ugu waa weyn ayaa si fool ka fool ah isaga horimaanaya marka Argentina ay caawa wajahdo xulka Brazil kulan ka mid ah Isreebreebka Koobka Adduunka, Laakiin Lionel Messi ayaa cadaadis ugu jira inuu xulkiisa guul ku hogaamiyo.

Sababtana waxa ay ahay Brazil waxa ay 21 dhibcood ku hogaamineysaa group-ka isreebreebka Koobka Adduunka ee Latin America, halka Argentina ay ku jirto kaalinta lixaad.

Afarta xul ee ugu sareysa group-ka ayaa si toos ah ugu soo baxeysa Koobka Adduunka ee Ruushka ka dhacaya 2018 iyadoo koox kaalinta 5aad ay kulan kala bax ah wajaheyso laakiin Argentina haatan lixaad ayay fadhisaa.

skysports-lionel-messi-neymar-argentina-brazil-football_3826897

Goormee ayuu kulankaan soo galayaa?

Ciyaarta waxa ay bilaabaneysaa caawa 2:45am waqtiga geeska Afrika, waxaadna ka daawan kartaan intiina badan kanaalka beIN Sports oo si toos ah u baahin doona.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Argentina ay kala hortageyso Brazil:

Argentina (4-4-2): Romero; Zabaleta, Otamendi, Funes Mori, Mas; Perez, Biglia, Mascherano, Di Maria; Messi, Higuain.

Tababaraha xulka Argentina ayaa soo saaray shaxdiisa rasmiga ah ee kulanka caawa iyadoo Sergio Aguero uu kulankaan kursiga keydka galayo iyadoo Lionel Messi iyo Gonzalo Higuain ay hogaaminayaan weerarka.

Shaxda Macquulk Ah Ee Ay Brazil Kala Hortaggi karto Argentina:

Brazil (4-3-3): Alisson; Alves, Marquinhos, Miranda, Luis; Paulinho, Augusto, Coutinho; Willian, Jesus, Neymar

MA OGTAHAY?

Shantii kulan ee ugu danbeysay ee labada xul, qaran walba waxa uu badiyay labo jeer iyadoo kulankoodii ugu danbeysay ay barbaro ku kala baxeen. Si kastaba, Brazil ayaa gacanta sarre leh iyadoo aysan Argentina wax guuldarro ah ka soo gaarin tartamada oo dhan tan iyo 1990.

Wadar ahaan waxa ay labada xul kulmeen 106 kulan, 42 ka mid ah waxaa badisay xulka Brazil halka 38 ay badisay xulka Argentina.

Kala Sareynta Isreebreebka Koobka Adduunka Ee Latin America:

# Xul Guulxx Barbaroxx G/darroxx Farqiga Goolashaxx Dhibcaha
1 Brazil 6 3 1 +14 21
2 Uruguay 6 2 2 +14 20
3 Ecuador 5 2 3 +4 17
4 Colombia 5 2 3 +3 17
5 Chile 5 1 4 +2 16
6 Argentina 4 4 2 +2 16
7 Paraguay 4 3 3 -2 15
8 Peru 3 2 5 -3 11
9 Bolivia 1 1 8 -17 4
10 Venezuela 0 2 8 -17 2