Madaxwayne Erdogan Oo Midowga Yurub Ugu Hanjabay Inuu Kamid Noqon Karo ururka Eurasia ee ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisa uu iska dhaafi karo dadaalka uu ugu jiro ku biiridda Midowga Yurub, taa bedelkeedana uu ka mid noqon karo ururka Eurasia ee ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
turkey president erdogan
Warbaahinta Turkiga ayaa kasoo xigatay Mr Erdogan in uu arrintaasi kala hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo kan Kazakhstan, Nursultan Nazarbayev.

Eurasia oo ah urur dhaqaale iyo ammaan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah China, Kyrgyzstan iyo Tajikistan.

Turkiga ayaa muddo sanado ah waxa uu rajeynayay in uu ku biiro Midowga Yurub, balse wadahadalada u socday ayaa joogsaday ka dib markii uu dhacay isku daygii afgembi ee July laga sameeyay dalkaasi.

Madaxda Yurub ayaa sheegay in xariga ay xukuumadda Ankara kula kacday dadka ay uga shakisan tahay isku daygaasi, uu meel ka dhac ku yahay dadaalka ay ku dooneyso in ay kaga mid noqoto Midowgaasi

 

Gabiley.net