Maxaa ka jira In Waftigii Madaxweyne Siilaanyo Ee Ku Sugnaa Addib Ababa Ay Kulan Qarsoodi La Leeyihiin Horjoogaha Khaatumo Cali Khaliif.

Waxa jira warar is soo taraya oo tilmaamaya in Hogaamiyaha Kooxda nabadiidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo xubno kooxdiisa ka tirsan oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan qarsoodi ah la yeesheen xubno ka socda xukuumadda Somaliland.

Shirkan qarsoodiga ah ee dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa sida la sheegey ka dhacay Hotel Radisson Blu oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, waxaana ay labada dhinacba soo safeex xubno miisaan leh.

Cali Khaliif Galaydh oo ballan hore  kaga yimi Garaadada Gobolka Buhoodle oo uu hoggaaminaayo Garaad Cabdirisaaq Soofe, ayaa ballantaasi ay ahayd in wadahalka uu la furaayo Xukuumadda Somaliland ay noqon doonaan qaar loo dhanyahay oo lagu qaban doono gudaha dalka. Balse shirkan hadda uga furmay isaga iyo Xukuumadda Somaliland magaalada Addis ababa oo aan la shaacin una muuqda inuu qarsoodi yahay ayaa loo qaadan kara inuu gogol xaadhu yahaya wadahalo ka qabsooma gudaha dalka.

Xubnaha Wadahadalka u matalaayay dhinaca Somaliland waxaa kamid ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha gudaha,   Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, halka dhinaca Cali Khaliif ay ku wehelinayeen saddex xubnood oo ka tirsan Kooxda Khaatumo.

Kooxda nabad diidka ah ee khaatumo ayaa la leeyahey waxa culeys badan kagaga imanayaa dawlada itoobiya oo ka soo quusatey somaliya, isla markaana xooga saareysa in somaliland aaney yeelan jabhado ka soo horjeeda waa somailand e maadaama uu somaliland iyo itoobiya ka dhexeeyo iskaashi dhinacyo badadn gaar ahan dhinaca la dagaalanka argagixisada.

koley war jiraaba cakaaruu iman maalmaha fooda inagu soo haya.

Log1