Mesut Ozil: Cagteyda Midig Ayaa Ah Halka Ugu Weyn Ee Aan Ka Liito, Waxaana Ka Shaqeynayaa Inaan Labada Cag Si Siman Ugu Wada Ciyaaro.

Mesut Ozil ayaa dareensan in cagtiisa midig ay tahay halka uu ka liito laakiin waxa uu ka shaqeynayaa inuu ciyaartiisa ku sii horumariyo Arsenal.

Xiddiga Jarmalka ayaa 19 caawin oo Premier League ah sameeyay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu durbaba bedelay ciyaartiisa isagoo dhaliyay todobo gool 14 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ozil oo la qaaday Jarmalka Koobka Adduunka, La Liga uu la qaaday Real Madrid iyo FA Cup uu kula guuleystay Arsenal ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo inuu ciyaaryahan hadi iyo jeer horumar sameeyo gaar ahaan marka laga ciyaarayo kubada cagta Ingariiska.

mesut-ozil-arsenal_obphut4llzh115zprtse9v72t

“Haddii aad dooneysid inaan horumar sameeyso ciyaaryahan ahaan, waa inaad ka shaqeyso meelaha aad ku liidato maalin walba” ayuu Ozil u sheegay website-ka kooxdiisa,

“Waa qasab inaad tayo leedahay laakiin dabcan ma jirto cid boqolkiiba boqol fiican, waa inaad si aad ah uga shaqeyso inaad yareyso meelaha aad ku liidato intii macquul ah. Anigaba si aad ah ayaan uga shaqeynayaa taas, tusaale ahaan ma ahi qof labada lug si siman ugu ciyaari kara, sidaasi darteed waxaan ka shaqeynayaa inaan horumariyo cagteyda midig.

“Gaar ahaan haddii aad ka ciyaareyso Premier League, waa inaad ka taxadarto jirkaaga sababtoo ah kulamada waa kuwa adag waana ay tiro badan yihiin. Waana sababta ay u tahay inaan si adag u shaqeyso oo aad hubiso inaad taam tahay.”