Samuel Umtiti Oo Seddex Isbuuc Ka Maqnaanaya Barcelona Xilli 22 Maalmood Ay Ka Harsan Tahay Kulanka El Clasico.

Samuel Umtiti ayaa dhaawac uu ka soo gaaray muruqa bowdada bidix waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo seddex isbuuc ah sida la xaqiijiyay.

Iyadoo 23 maalmood ay ka harsan tahay kulanka El Clasico ee ay Barcelona la ciyaareyso Real Madrid 3da bisha December, Umtiti ayaa seegi kara kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka ee El Clasico.

Waqti xaadirkaanse daafaca ayaa seegi doona kulamada Malaga iyo Real Sociedad iyo kulanka Copa del Rey ee Hercules iyo kulanka Celtic ee Champions League.

1478795236_821617_1478795354_noticia_normal

Dhaawaca ayaa soo gaaray daafaca Barcelona intii uu tababar la qaadanayay xulka France. Waxaana uu ku laabtay caasimada Catalan si loo daaweeyo. Waa dhaawacii labaad ee soo gaaraya daafaca xilli ciyaareedkan isagoo jilibka uu ka dhaawacmay bishii September.

Barcelona ayaa haatan waxaa dhaawacyo kaga maqan seddex daafac dhexe oo kala ah Pique, Mathieu iyo Umtiti, iyadoo Mascherano uu ciyaaray 1448 daqiiqadood xilli ciyaareedkan iyadoo ay u dheer tahay kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka.