Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo Dadweynaha Macaamiishooda Gobolka Gabiley Usoo Bandhigay Barnaamijka Abaalmarinta Sanadka Somtel Ee Ay Dadweynaha Kusoo Celiso

Gabiley(GNN)-Dhoolatus balaadhan oo ka kooban Gaadiidka ay Shirkada Isgaadhsiinta Somtel abaalmarinaha bakhtiyaa nasiibka ah dib ugu celiso dadweynaha Macaamiisheeda ah ayaa lagu qabtey Gudaha Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Daawo Muuqaalka

 

Dhoolatuska Shirkada Somtel ee abaalmarinaha ay usoo bandhigtey Macaamiisheeda oo dadweynaha Reer Gabiley siweyn usoo jiitey iyadoo abaalmarino kooban oo qeyb ka ah Barnaamijka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ugu tala gashey Sanadka cusub ee 2017 iyo sanadka sii dhamaanaya ee 2016ka in ay dib ugu celiso Bulshada Somaliland ee sida joogtada ah u isticmaala adeegyadeeda kala duwan ee noocyada internetka,ku

hadalka iyo qeybaha kale ku gudoonsiisay Magaalada Gabiley.

Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Shirkada Isgaadhsiinta Somtel Khadar Cabdiraxmaan Xuseen oo ka Hadley Barnaamijka Sanadkan ee abaalmarinta Somtel oo ay kujiraan Gaadiid, Lacag,iyo qalab kala duwan ayaa faafaahin ka bixiyay nuxurka Shirkada Somtel eek u aadan in ay abaalmarino dib ugu celiso dadweynaha Macaamiisheeda.

“Waxaan idiin wadnaa waa Barnaamij Cusub oo layidhaa abaalmarinta Sanadka iyo Somtel waa barnaamijkii iyo abaalmarintii sanadka ugu qaalisaneyd ee laga sameeyo Somaliland oo ay sameyso Shirkada Somtel, waana barnaamij aanu ugu tala galney in aanu macaamiishayada ugu soo bandhigno ama aanu miiska usoo saarno in aanu siino afar baabuur oo kamid ah noocii ugu dambeeyay ee lagu raaxeysto nooca loo yaqaano MarkXka iyo waliba sagaashan milyan oo Shilinka Somaliland ah oo iyaduna ah lacag  aanu ugu tala galney macaamiishayada ku guulaysata inaanu gudoonsiino oo maalin kasta aad la socotaan inaanu bixino hal milyan iyo shan boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah waana mid aanu ugu talo galney inaanu maalin walba macaamiisha ku celino oo ay ku guulaystaan hadey noqoto Gobolada kala duwan ee Somaliland oo Gobolka Gabileyna kamid yahey”Ayuuu yidhi Mr Khadar Cabdiraxmaan.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay maanta la fadhiyaan macaamiishii ku guuleystey lacagtaa uu xusey  oo lagu gudoonsiinayo isla maanta magaalada Gabiley,isagoo carabka ku dhuftey in Barnaamijkani hada socdey mudo todobaad gudihii ah isagu sheegay in uu sii socon dooni ilaa bisha soo socota ee dabayaaqada Sanadka ee Diisambar.

Waxa kale oo halkaa hadalo ka jeediyay Maamulaha Shirkada Isgaadhsuiinta Somtel ee Gobolka Gabiley Maxamuud Xaaji Cabdilaahi Ismaaciil,Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor,xubno kamid ah hawlawdeenada Shirkada Somtel iyo dadweynaha Reer Gabiley ee abaalmarinta ku guuleystey iyo kuwa wali ka dhursugaya oo iyaguna xusey in ay soo dhaweyn kal iyo lab ah u hayaan Barnaamijyada Shirkada Isgaadhsiinta Somtel  dib ugu soo celiso dadweynaha macaamiisheeda ah ee Abaalmarinaha Sanadka.

Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo kamid ah Shirkadaha ugu waaweyn Isgaadhsiinta laga Isticmaalo Gudaha Somaliland ayaa,had iyo jeer dadweynuhu siweyn u caashaqsan yihiin adeegyadeeda kuhadalka Moobilka oo xoog uga duwan kuwa Shirkadaha kale iyo adeega internetka Somtel oo ah kan ay Somaliland gudaheeda loogu isticmaalka badan yahey islamarkaana, loo adeegsado hawl fududeynta Barnaamijyada sida tooska ah loo gudbinayo oo ay qeyb ka ahaayeen Ciyaarihii Gobolada dalka oo Shirkada Somtel sumacd weyn kaga kasbatey guud ahaanba Shacbiga Somaliland.

 

Gabiley.net

Gabiley Office